Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Ee Uganda Oo Dalka Soo Gaadhay Kuna Baaqay Ilaalinta Nabadgalyada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Ee Uganda Oo Dalka Soo Gaadhay Kuna Baaqay Ilaalinta Nabadgalyada.
June 5, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News):- Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee dalka Uganda Cabdi Risaaq Muxumed Daa’uud Cigaal oo Dalka Booqasho Ku Yimi ayaa ka xogwaramay xaalda jaaliyada Somaliland ee Uganda iyo sida ay isaga kaashadaan hawlo badan oo ah ka qaybqaadashada horumarka dalka.
 
 
 
Cabdi Risaaq Muxumed Daa’uud isagoo ku Sugan Hargaysa mar uu Warbaahinta qaarkood u waramayay waxa uu sheegay in jaaliyada Somaliland ee dalka Uganda ay tahay jaaliyada balaadhan oo oo si weyn isugu xidhan iskana kaashata arimo badan oo ah dhanka horumarka iyo waliba sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dedaalka dheer ee loogu jiro ictiraaf raadinta Somaliland.
 
 Sidoo kale waxa uu sheegay Cabdi Risaaq Muxumed Daa’uud in sanadkan Magaalada Kampala ee caasimada dalka uganda Xuskii 18 May ee ay ku qabteen uu ahaa xuskii ugu balaadhnaa ee abid ka qabsooma dalkaasi.
 
 
“Munaasibda Xuska 18May ee aan sanadkani ku qabanay Dalka Uganda Waxay ahayd mid aan si balaadhan u soo agaasinay jaaliyaduna ay ku muujisay qiimaha maalintani iyo sida ay uga go’antahay in dalkani ictiraaf ka helo aduunweynaha kaasi oo baadi goobkaasi lagu jiray mudo 23sanadood ah”
 
Dhinaca kale Cabdi Risaaq Muxumed Daa’uud Cigaal waxa uu ka hadlay xaalada amni ee dalka kaasi oo ku dheeraday nidaamkii dheraa ee loo soo maray nabada maanta la haysto lana wada ilaalashado nabadgalyada isagoo ugu baaqayna dhinacyada isku haya Xisbiga Kulmiye inay khilaafkooda ku dhamaystaan nidaamkii ay ku caana maashay Somaliland ee ee isu tanaasulka.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS