Gudomiye Ciro Oo Xisbiga WADDANI Kusoo Dhoweeyay Taageerayaal Bariga BURCO Kasoo Jeeda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudomiye Ciro Oo Xisbiga WADDANI Kusoo Dhoweeyay Taageerayaal Bariga BURCO Kasoo Jeeda
June 18, 2014 - Written by Editor:

Burco(Wajaalenews)Waxa Maanta Magaalada Burco Lagu Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Iyo Wafti Balaadha Oo Uu Hogaaminaayo Waxaana Masuuliyiintani Lagaga Hortagay Degmada Qoyta Oo Magaalada Burco U Jirta 18 Kilomitir Waxaana Ka Qayb Qaadanaayey Soo Dhaweyntani Balaadha Ee Maanta Loo Sameeyey Masuuliyiinta Ugu Saraysa Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Taageerayaasha Xisbiga,Masuuliyiinta Gobolka Ee Xisbiga Wadani Iyo Gaadiid Aad U Tiro Badan.

Waxaana Masuuliyyintani Loo Soo Galbiyey Gudaha Magaalada Burco Iyadoona Lagu Soo Wareejiyey Wadooyinka Waaweyn Ee Magaalada Burco .

Intaasi Ka Dib Waxay Masuuliyiintani Ka Qayb Galeen Munaasibada Balaadhan Oo Loo Sameeyey Taageerayaal Cusub Oo Ku Soo Biiray Xisbigani Wadani Kuwaasi Oo Ka Soo Jeeda Beesha Bariga Burco.

Waxaana Ugu Horayntiiba Munaasibadaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani  Ee Gobolkani Togdheer Waxaanu Sheegay In Ay Taageerayaashani Ku Soo Biiray Xisbiga Wadani In Ay Si Diiran Ugu Soo Dhaweynayaan Xisbiga. Waxaana Uu Yidhi

“Wakhtigu Wuu Iska Gaaban Yahay Hadal Dheer Kama Gaadhno. Marka Hore Waxaan Si aada Oo Kal Iyo Laaba U Soo Dhaweynayaa Taageerayaashani Baaxada Badan Ee Maanta Ku Soo Biiray Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani.  Waxaan Leeyahay Waftidan Balaadhan Ee Kale Ee Uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Halkan Waxa Kuugu Diyaara Oo Idiinku Soo Dhaweynaaya Oo Odiin Fadhiya  Taageerayaashii Anid Ugu Baaxada Badnaa Ee Idin Soo Dhaweeya Gobolka Togdheer Una Diyaara Inaad Siisaan Awaamiietii Iyo Waxyaalahii Aad Farilahaydeen Ku Soo Dhawaada Gudomiye Iyo Waftida Inteeda Kalaba” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd.

WaxaIsaguna Halkaasi Ka Hadlay  Chief Caaqil Khader Xasan Waxaana Uu Ka Warbixiyey Sabaha Ugu Waaweyn Ee Beesha Bariga Burco Sababtau Inay Ku Soo Biiraan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Waxaana Uu Yidhi

“Anigoo Ah Caaqil Khader Xasan Xaaji Nuur O Ka Soo Jeeda Beesha Aadan Madoobe  Oo Hogaaminaaya Taageerayaasha Ku Soo Biiray Xisbiga Wadani Waxaan Idiin Sheegayaa Isla Markaasina Halkan Ka Caynayaa In Beeshu Ku oo Biirtay Oo aanu Taageero Hiil Iyo Hooba La Garab Taagan Nahay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Wakhtigoo Kooban Awgii Sii Badan Maayo Hadlkayga Waxaan Leyahay Waan Garab Taagan Nahay Xisbiga Wadani” Ayuu Yidhi Chief Caaqal Khader Xasan Xaaji Nuur Oo Ku Hadlaayey Afka Tageerayaasha Ku Soo Biiray Xisbiga Wadani.

 

 

 

Suldaan Ahmed Faahiye Mirre Oo Ku Hadlaayey Afka Taageerayaasha Ku Soo Biiray Xisbiga Ayaa Waxa Uu Yidhi.

“Runtii Waxaan Aad Ugu Faraxsanahay Inaan Maanta Aniga Iyo Beeshayduba Inaan Ku  Soo Biirno Xisbiga Wadani. Waxaanu Taageeraynaa Hadaau Nahay Beesha Bariga Burco Xisbiga Wadani. Ha Guulaystaanu Leenahay Waad Salaamantihiin Dhamaan” Ayuu Yidhi  Suldaan Ahmed Faahiye Mirre.

Geesta Kalana Waxa Munaasibadaasi Ka Hadlay  Xoghayaha Arimaha Gudaha Iyo Xoghayaha Dibada Ee Xisbigani Wadani Waxaanay Halkaasi Ka Bayaamiyeen Si Buuxda Ugu Soo Dhaweynayaan Xisbiga Wadani Iyagoona Shiigay In Cududan Maanta Xisbiga Ku Soo Biirtay Ay Tahay Mid Ka Dhinayd Xisbigani Wadani.

Wasiirkii Hore Ee Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Somaliland  Siciid Sulub Oo Dhawaan Ku Soo Biiray Xisbigani Wadani  Kana Mid Ah  Siyaasiyiinta Waaweyn Ee Xisbigani Wadani Oo Isna Halkaasi Ka Hadlay  Waxaana Uu Sheegay In Ay Soo Dhaweynayaan Tageerayaashani Ka Soo Jeeda Beesha Bariga Burco Waxaanu Yidhi

“Salaan Kal Iyo Laab Ah Ayaan Idin Salaamayaa Waxa Ii Farxad Ah Oo Aan Aad Ugu Farax Sanahay Inaan Arko anigoo Imika Todobaad Uun Xisbigan Wadani Ka Mid Ahaa In Dadkii Reer Somaliland Ee Wax Garanaayey Ay Ku Soo Biireen Dabaday Xisbiga Wadani. Taasi Waxay Ii Cadaysay Inaan Doorashadaydi Khaldanayn Sababtu Waxa Weeye Hadaad Sahan Tagto Oo aad Meel Degto Oo Meeshii Cid Dambe Kaa Soo Daba Guuri Weydo  Waxaad U Qaadanaysaa In Meeshaasi aanu Meel Khayr Leh Ahayn Laakiin Hadii Aad Sahan Tagto Oo Meeshii aad Degtay Lagaaga Soo Wada Daba Guuro Markaas Waxaad Degtay Guri-barwaaqo ah Markaas Maanta Waxa ii Cadaatay I Xisbigii Wadani uu Noqday Guri Barwaaqo ah. Waxaana Hubaa in Somaliland Barigeeda Iyo Galbeedkeedaba ay Wadani isku Soo Shubi doonto Waxaan Halkan Ku Soo Dhaweynayaa Shacbiga abtirsaday Ee Reer Togdheer Ee Reer Sanaag Ee Reer Sool Ee Guulihii Kulmiye Dhaliyey Maantana U Diyaara Inay Dhaliyaan Guulaha Wadani  Taasi Waxay Cadaynaysaa In Shacbigii Guushu Uu Ku Soo Biiray Xisbiga Wadani. Waxaan Leeyahay Soo Dhawaada Taageerayaasha Xisbiga Ku Soo Biiray Waan Idin Salaamayaa Walaalayaal” Ayuu Yidhi Siciid Sulub Oo Ka Mida Siyaasiiinta Waaweyn Ee Xisbiga Wadani

Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Wadani Mudane  Ahmed Muumin Seed  Oo Isna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Waxa Uu Sheegay Inay Soo Dhaweynayaan Tageerayaashani Baaxada Badan Ee Ku Soo Biiray Xisbiga. Waxaanu Yidhi

“Runtii aad ayaan u soo Dhaweynayaa Taageerayaashan Baaxada Badan Ee Ka Soo digo rogtay xisbiga Kulmiye Kuna soo biiray Xisbiga Wadani. Aad iyo aad ayay noo Farxad Galisay Baaxada Intan Leeg Taageerayaasha Intab Leeg Ee Ku Soo Biiray Xisbiga Runtii Tani Waxay Ifo Faalahii Koowaad U Tahay guulaha la Rajaynaayo Ee Soo Dhow Ee uu Gaadhi Doono insha allah xisbiga Wadani Oo Noqon Doona Xisbiga Qabta Talada Dalkan Somaliland Insha allah Walaalayaal aad ayaad U Mahadsan tihiin Ku  Soo Dhawaada Xisbigu Waa Xisbiginii” Ayuu Yidhi Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Wadani Mudane Ahmed Muumin Seed.

 

 

Xildhibaan Rayte Iyo Xildhibaan Nasir X.Cali Shire Oo Ka Mida Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Kana Tirsan Xisbiga Wadani Oo Iyakuna Intii ay munaasibaaasi socotay Ka Hadlay ayaa sheegay in ay Si Meeqaam Sare Ah  U Soo Dhaweynayaan Taageerayaashi Ku Soo Biiray Xisbiga.

Gabagabaadii Munaasibadaasi Waxa Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Ahna Kudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Kaasi Oo Soo dhaweeyey Taageerayaashani ka soo jeeeda beesha bariga burco ee ku soo biiray xisbiga sidoo Kalana halkaasi ka magacaabay xilal cusub oo ku soo kordhay xisbigani kuwaasi oo kala ahaa xoghayaha amniga ee xibiga iyo Gudoomiyaha garabka haweenka ee Gobolka Togdheer Waxaanu Sidoo Kale Tacsi U Diray Laba Ruux Oo Ku Geeriyoday Soo Dhaweyntii Maanta Ee Isaga Iyo Masuuliyiintani Uu Horkacaayey Waxaanu Yidhi

“Waxaan Si Diiran Ugu Soo Dhaweynayaa  Dhamaan Taageerayaasha Ku Soo Biiray Xisbiga Wadani Waxaan Leeyahay Xisbiga Wadani Waa Xisbi Wadaniya Waa Xisbiga Shacbiga Jamhuuriyada Somaliland  Waa Xisbiga Rajada Waa Xisbiga aan Isleeyahay Waxbadan Oo Ay Somaliland Tabayso Iyo Dhib Badan oo ay Tirsanahayso Intaba Wuu Ka Saari Karaa.

Walaalayaal Waxaan U Tacsiyadeynayaa Oo Maanta ALLA Haw Naxariistee Ku Geeryooday Soo Dhaweyntii Aynu Halkan Ku Haynay  Laba Marxuun Oo Walaalaheen Ah Markaas Waxaan Jeclahay In aynu Faataxada U Marno Labadaas Marxuun Ee Walaalaheen Ah Ee Inaga Geeriyooday Shilkaasi Gaadhi In Ilaahay Naxariistii Jano Ka Waraabiyo.

Walaalayaal Maanta Waxaan Magacaabayaa Kadib Markii aanu Dhageysanahy Tallada Iyo Soo Jeedinta masuuliyiinta Gobolka Togdheer Anakuna aanu ku raacnayb waxaan Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Laantiisa Gobolka Togdheer Maanta Laga Bilaabo Noqon Doonta Aamina Xasan Samatar (Aamina Saado)  Waxa Kale Oo Aanu Halkan Kaga Dhawaaqaynaa Iyadana Jeneral Maxamed Nuur Oo Ahaa Taliyihii Hore Ee Ciidanka Sirdoonka Somaliland Inuu Maanta Yahay  Xoghayaha Amniga Ee Xisbiga Wadani” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan MaxamedCabdilaahi  (Cirro)

Isku Soo Wada Xooriyoo Soo Dhaweyntani Balaadha Ee Maanta Loo Sameeyey Masuuliyiihta Ugu Saraysa Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo Maanta Soo Gaadhay Ayaa Ahayd Mid Si Balaadhan Looga Dareemay Guud Ahaan Magaalada Burco.

WAJAALENEWS DESK

Burco/Office

 

COMMENTS
LINKS