|
|||||
WAJAALE NEWS
GUDIDA DIWAAN-GALINTA IYO ANSIXINTA ASXAABTU MA HAYSTAAN AWOODA XALINTA KHILAAFAADKA XUSBIYADA QARANKA
June 1, 2014 - Written by Editor:GUDIDA DIWAAN-GALINTA IYO ANSIXINTA ASXAABTU MA HAYSTAAN AWOODA XALINTA KHILAAFAADKA XUSBIYADA QARANKAMasuuliyiinta Qaranka ee Dastuurku waajibiyay in la ansixiyo, si ku-meel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo ka badan saddex biloodQalinkii:- Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed HargeysaHARGEISA(Wajaalenews); Wixii ka danbeeyay Doorashooyinkii Golayaasha Deeganka Somaliland ee rubuc dhamaadkii sanadkii 2012 Waxaa Xisbiyada somaliland qaarkood La soo darsay xiligan khilaafyo ka dhexeeya kooxo iyo shaqsiyaad xil xusbiga u haya ama xil qaran ku haya magaca xisbiga, Sida Xubno ka mid ah golaha deeganka oo ka mid ah xisbiga Ucid oo Taageeradoodu ku biiriyay xisbiga kulmiye, Iyo Khilaafka La isku mari waayay ee la soo darsay xisbul xaakimka Kulmiye ee labada garab ka dhigay xusbigaan.Hadaba Arimahan oo u Baahan In Lagu xaliyo ama Lagu saxo Xeerka U yaala oo ah { Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda X.LR 14/ 2000-2011}
Kani Waa Qodobka Sida Xooga ah ay ugu Muujisan Tahay Kala Xiliga Iyo Cida Ay Hoos Tagayso Xilka Adeegsiga Anshax Marinta Xusbiyada Qaran.
Qodobka 25aad: Tayaynta iyo habaynta xisbiyada Qaranka 1. Xisbiyada Qaranka ee Doorashada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maa-mul wanaag iyo dimuquraaduayad dhexdooda ah, waana in awooda loo siman yahay. Talada xisbigana waa in mar kasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer hoosaadka. 2. Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa 5 (shantii sano) hal mar waxaana la baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor. 3. Shirka xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba mar waxana la baahinayaa 30 casho ka hor. 4. Shir waynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya. b. Xubnaha hogaanka xisbiga iyo guddida fulinta t. Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga j. Waxaa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo xeer-hoosaadka xisbiga. 5. Liiska xubnaha golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbi iyo nuqul xeer-hoosaadkooda ah waxaa loo gudbinayaa xeer-ilaalinta, komishanka doorashooyinka qaranka iyo gudida diwaan gelinta mudo aan ka badnayn 30 maalmood shirwaynaha ka kib. 6. Hogaanka xisbiga, Guddida fulinta iyo xubin golaha dhexe waxaa xilka qaadistooda soo jeedin kara. b) 1/3 xubnaha golaha dhexe ee xisbiga. t) Gudoomiyaha xisbiga. j) Is-casilaad. Waxaana cod kala-badh iyo hal ku ansixinaya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga. 7. Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada, iyagoo war bixintooda u soo gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.
8. Marka mudo xileedka Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka doorashooyinka qaranka.
Xeerkani wuxuu awoodaas anshax marinta u siiyay laba hay’adood oo kala ah *Gudida Diwaan Galinta Ururada Iyo Asxaabta Siyaasad Iyo *Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo mid waliba ay xili go’an yeelanayso qabashada hawshan sida ku cad xeerkan gudihiisa Xeer No:14 Halkaas Markaynu Marayno Waxaynu Eegayna Maanta Labadan Hay’adood Midkee Ay U Sugnaatay Awooda Anshax Marinta Asxaabtu? XEER NO:14/ Qodobka 3aad: Faqrada 6aad. Guddidu waxay xilka haynayaan muddo (2) labo sano ah oo ka bilaabanta maalinta ay Maxakamada sare xilka u dhaariso. *Waxa La Dhaariyay Xubnaha Gudida Diwaan Galinta 04-Oct-2011 Taas Oo Ka Dhigan Marka Xeerkan lagu sar-jaro In Mudo xileedkoodii Ku Eega 04-Oc-2013, Muddo Dhaafkan ay ku shaqaynayaan Gudidani waxa uu ku ekaanayay Marka looraaco Dastuurka DASTUURKA QODOBKA 114aad FAQRADIISA 3aad. “Masuuliyiinta Qaranka ee Dastuurku waajibiyay in la ansixiyo, si ku-meel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo ka badan saddex bilood.” Waxa aynu halkaasi ka aragnaa in ay mudo xileedkii gudidan diwaan galintu ku ekayd 04/01/2014, Maadama oo aanay helin ogolaanshaha Golaha Wakiilada ee Xalaalayn lahaa Dalabkii Muddo Kordhinta ee uu U Sameeyay Madaxweynuhu, ee sumadiisa iyo taariikhdiisu ahayd Xeer M/weyne sumadiisu ahayd JSL/M/XERM/249-2108/102013, Ku Taariikhaysanaa14 Oct 2013. {Waxaan go’aansaday In Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka u cusboonaysiiyo muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka
Hada Waxa Inoo Muuqata Inay Xiligan aynu ku jirno ay tahay xiligii ay Komiishanka Doorashooyinku Lahaayeen Awooda Anshax Marinta Asxaabta Siyaasada, Waxa Mudadaas Intii Intii Ka Danbeysay Soo Baxay Isqabsiyo Dhax Yaala Xusbiyada qaar ka mid ah oo u baahan in ay helaan Cidii kala saari lahayd Waxaan ku soo uruurinayaa qoraalkan nuxurkiisa, Inaanay haba yaraate haysanin wax kalsooni ah iyo mudo xileed ay ku shaqayn karaan ama ay cid ku sixi karaan Gudida diwaan galinta iyo ansixinta asxaabta oo ay mudadoodi dhamaatay, Inay Shaqeeyaan Waxaa ay Meel ka dhac iyo Gaf ku tahay Dastuurka iyo xeerarka dalka. Ugu Danbayn waxaan Xasuusinayaa Waaxyaha Iyo Golayaasha Qaranka ee Ay Khusaysaa Inay Cadeeyaan Xeerka U Xalaalaynaaya Inay Shaqeeyan Gudida Diwaan galintu. Sidoo kale waxaan Komiishanka doorashooyinka Qaranka ugu baaqayaa inay Dhax galaan Khilaafka Xusbiyada Qaranka iyagoo Gudanaaya Waajibaadkooda Qaran Raacayana {Qodoka 25aad Faqradiisa 8aad Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda X.LR 14/ 2000-2011}, oo udhigan Sidan; “Marka mudo xileedka Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka doorashooyinka qaranka”.
Si loogu helo maare iyo furdaamin khilaafyada soo noqnoqday ee Abuuray Xasilooni darada taagan oo wax kabadal Guul iyo Gobonimo Related posts:Somaliland Oo Markii ugu Horeysay Laga Furay Shirkad Daawooyinka Ka Keenaysa Dalka Ingiriiska. Ingiriiska Oo Xus U Sameeyay Diblumaasi Reer Somaliland Ah Oo Ka Qayb-qaatay Soo Afjaridda Midab-tak... Xog Cusub Oo Iftiimisay Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Faracididood Kaga Badbaaday Isku Day Dil Xilig... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|