Goo’aanka Guurtidu Ka Soo Saartay Khilfaakii Kulmiye Waa mid Cadaalada Ka Fog | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Goo’aanka Guurtidu Ka Soo Saartay Khilfaakii Kulmiye Waa mid Cadaalada Ka Fog
June 7, 2014 - Written by Editor:

kuna Salaysan Murtida Ah (Qumud, Laf Iyo Baruur Iyo Qawlihii Kuruska Neefkii Wada Qaybiyee Aarow Wada Qaado)

HARGEISA(Wajaalenews) ;Gudi dhexdhexadina oomudaba lasugayay ayaa maanta waxay soo saareen ga,aan aan bulshada ula muuqan mid cadaalada ku salaysan ,Ma hadhin hadal la is yidhaahdaa…. Mana u baahna in aan gacmaha daaliyo oo qoraal dheer ka diyaariyo Gefka, Cadaalad darida iyo Jawr-falka ay Guurtidu ka soo saartay khilaafkii Xisbiga kulmiye ka dhex oognaa ama garta guracan ee ay ku naqday Garabka Gudoomiyaha Xisbiga Mr.Muse Bixii, waxaase ka markhaati kacaysa Taariikhda. Guurtida uu Hogaaminaayey Saleebaan ee arinka loo xilsaaray may gar niqin ee wey gefeen, waanay ku jiifsadeen Garabkii uu Muse Bixii hogaaminaayey. Gar waa loo Islaam mesha way ka baxday, waxaana la qaatay Farsamadii ama sheekadii Habardugaag wax ku qaybsadeen ee ahayd ( Neefkii wada qaybiyee Aaro wada qaado). Waxaan filayaa in Arinka Kulmiye ku danbayn doono (Rag Cadaalad Waayaa Sidii Cawsha Kala Yaac) iyo Waliba (Canfaree Firirig).

 

Isha mari ama hoos ka akhri Gabaygii Hussein Dhiqle ee ku saabsanaa Qaybtii Habardugaag.

 

Qiyaashow libaax baa dhurwaa, qaybi yidhi soore

 

� Wuxuu yidhi hilbaha jeex bal qabo, qoon dhan baan nahaye

 

� Markaasuu qabbabaalihii, qoonsadoo dilaye

 

� Dharbaaxuu il kaga qaadayoo, hoor ka soo qubaye

 

� Afqashuushle goortuu dhintuu, sii qataabsadaye

 

� Qambaruursi iyo oohin buu, qoon dunuunucaye

 

� Dawacuu kolkaa soo qabsaday, sida qisaaseede

 

� Iyadoo qadhqadhi buu ilkaha, qoorqabkii xoqaye

 

� Wuxuu yidhi qanjaafula xumeey, tali qaddaarkaaga

 

� Adeer gacalle qaar iyo dalool, qaaxo iyo feedho

 

� Qummud iyo baruuriyo legiyo, qawdhihii kuruska

 

� Kuu wada qorsheeyeye Islow, neefka wada qaado

 

� Markaasuu wixii qaday qabsaday, qoobab kadafleeye

 

� Wax la yidhi qabiil ma leh dayooy, qayliyaha aare

 

� Innagoo quruun dhanna maxaa, qado inoo diiday?

 

� Qacdii hore haddaan dayey kobtii, weerku sii qulushay

 

� Badhbaa kuu qisma ah waa wuxuu, eeday qaar yare

 

� Aniguna qudhaasaan ahoo, lay qulqulateeye

 

� Duqii noo qab weynaa wakaa, qooqa loo dilaye

 

� Qaddaarkii Illaah iyo Rabbaan, quud ka sugayaaye

 

� Qudhaydaan u yaabaye miyaan, idin qasaarteeyey

 

� War ma anoon qudraba haynin baa, qamash ka soo waaqsan?

 

� Anna qayb libaax weeye taad, igu qasbaysaane

 

� Dadka igu qoslaayiyo kobtaan, ka qalbi diidaayo

 

� Qadayeey adduunyo uma socon, waad i qaharteene

 

� Qadankii dariiqiyo haddaan, qaniimadii waayey

 

� Labadii qofee nagaga hadhay, qaafadii dumarka

 

� Tii quruxda roonayd hadday Cali, la qooqayso

 

� Qudhoo kaliya baa nagu hadhoo, qalabku noo yiile

 

� Tana qaata Naadaba ragbay, qaac u shidataaye

 

By: Osman Abdillahi Sool….. Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com

COMMENTS
LINKS