Garabkii Uu Hogaaminayey Madaxwayne Siilanyo Oo Guul Taariikhi Ah Gaadhey Iyo Muuse Biixi Oo La Filayo In Uu Guuldaradii Kasoo Gaahdey Kula Baqoolo Magaalada Gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garabkii Uu Hogaaminayey Madaxwayne Siilanyo Oo Guul Taariikhi Ah Gaadhey Iyo Muuse Biixi Oo La Filayo In Uu Guuldaradii Kasoo Gaahdey Kula Baqoolo Magaalada Gabiley
June 8, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) Waxa Sii Badanaya Walaaca Ay Muuse Biixi Iyo Kooxdiisu Ka Qaadday Go’aamadii Lama Filaanka Ahaa Ee Maalintii Shalay Ay Golaha Guurtidu Ka Soo Saareen Khilaafkii Xisbiga Kulmiye, Halka Ay Farxaddu Ku Badatay Kooxda Uu Gadh-Wadeenka U Yahay Madaxweyne Siilaanyo Oo Iyagu Libin La Gam’ay.

Muuse Biixi Ayaa Isla-Goobtii Go’aanka Lagu Saarayba Ka Caddeeyey Inay Guurtidu Raaceen Dooddii Garabka Ay Is Hayaan, Isla-Markaana Aanay Dhegaysan Wixii Uu Isagu Ku Doodayey, Balse Uu Liqayo Isagoo Eegaya Danta Qaranka Ee Guud, Waxana Halkaas Laga Dheehan Karayey Inaanu Xukunku Ahayn Mid Caddaaladda Lagu Saleeyey.

Madaxtooyada Ayaa Iyagu Qosol Iyo Geeraar Ka Bilowday Isla Goobtii Munaasibaddu Ka Dhacaysay, Maadaama La Sharciyeeyey Dhammaanba Waxyaabihii Ay Markii Horeba Dhibaatadu Ka Taagnayd, Isla-Markaana Si Fiican Loo Dhegaystay Doodihii Ay La Gole Tageen, Waxana Ay Yaqiinsadeen In Doorkan Odayaashu Si Fiican Ula Shaqeeyeen Oo Guulaysteen.

Muuse Biixi Cabdi Iyo Asxaabtiisa Ayaa Talo Dheer Iskula Noqday, Waxana Ay Ilaa Iyo Xalay Lahaayeen Shirar Gooni Gooni Ah, Waxana Asxaabta Qaarkood Soo Jeediyeen Inay Qalad Ahayd Aqbalaaddda Guddoomiye Muuse Golaha Ka Sheegay Oo Ay Ahayd Inaanu Sinaba U Aqbalin Natiijada Dheelligu Ku Jiro Ee Guurtidu Goobta Keeneen.

Ugu Dambayntii Waxa La Sheegay Inay Kooxdu Isla Garteen Inay Talada Badsadaan Oo Dib Ugu Noqdaan Taageerayaashooda Iyo Masuuliyiinta Kale Ee Talada Laga Martiyo, Waxana La Filayaa Inuu Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi Socdaal Dhoolla Tus Ah Ugu Ambabaxo Deegaanka Gabiley Oo Ay Ka Aloosan Tahay Mucaaridnimo Qaan-Gaadhay Oo Madaxweyne Siilaanyo Liddi Ku Ahi.

Muuse Biixi Ayaa La Filayaa Inuu Talo Badan Ka Soo Qaato Gabiley, Waxana La Dhawaryaa Inuu Halkaas Ku Qaato Muddo Maalmo Ah, Balse Madaxtooyada Ayaa Il Dhaw Kula Socota Dhaqdhaqaaqa Guddoomiyaha Oo Haatan Garoonka Musharraxnimada Loo Xaadhay.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanka Ku Haya Guusha Uu Wareeggan Koowaad Ka Soo Hooyey Goolaaftankii Muuse Dhex Maray, Ayaa Haddana Aaminsan Inaanay Ciyaartu Dhamaanin Oo Wax Kastaa Is Beddeli Doonaan, Isla-Markaana Aanu Guddoomiye Muuse Biixi Ahayn Nin Sidaas Hawsha Yar Isku Dhiibi Doona, Waxana Isaga Iyo Asxaabtiisu Ku Foogan Yihiin Tallaabadii Halkaas Looga Sii Gudbi Lahaa.

Muuse Biixi Cabdi Oo Cadho Badani Biyo Dhigtay, Guurtiduna Si Cad Uga Eexatay Ayaa Tolkiisa Ku Horrayn Doona, Isagoo Talo Ka Weydiin Doona Waxa Uga Meel Yaalla Go’aanka Guurtida Iyo Sida Qalloocan Ee Ay Arrinta Uga Garnaqeen, Waxana Uu Taladaas Kadib Qaadan Doonaa Go’aan Uu Kaga Go’o Dawladdan Iyo Is Eedeen Ama Uu Kula Shaqayn Doono, Maadaama Haatan Aanay Jirin Wax Karaamo, Jacayl Iyo Qaddarin Ah Oo Ku Dhex Leeyahay Aqalka Madaxtooyada.

Guddoomiye Muuse Biixi Ayaa In Kastoo Loo Madax Banneeyey Inuu Tartamo, Haddana Aanay U Oollin Wax Hanti Dadeed Iyo Mid Duunyo Ah Oo Uu Siilaanyo Kula Gorgortami Karaan, Waxana Dhibaatada Ugu Weyni Ka Haysataa Xubnaha Golaha Dhexe Iyo Guddida Fulinta Oo Dhamaantood Aqalka Madaxtooyada Laga Soo Magacaabay, Isla-Markaana Aanu Wax Talo Ah Ku Lahay, Waxana Ay Taasi Qalbigiisa Ku Haysaa Warwar Ah Inaanu Hal Cod Oo Iyaga Ah Sinaba Ku Heli Doonin Oo Uu Kala Faa’iidayo Godob Uu Madaxweynaha U Qaado.

Talada Kadib Ayaa Laga Yaabaa Inuu Muuse Biixi Go’aan Lagu Qanci Karo Shacab Gaar Ahaan Taageerayaashiisa Oo Dhawaanahan Soo Badanayey Usoo Bandidho, Waxana Dadka Siyaasadda Odorasaa U Badinayaan Inuu Ka Tanaasuli Doono Tartankiisa Madaxtinimo Ee Sanadkan.

Wajaalenews.Net

Hargeisa/office

COMMENTS
LINKS