Ganacsato Somali iyo Ajnabi ah oo lagu dilay laguna dhaawacay South Afrika | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ganacsato Somali iyo Ajnabi ah oo lagu dilay laguna dhaawacay South Afrika
June 9, 2014 - Written by Editor:

South Africa(Wajaalenews) ;Ugu yaraan laba qof ayaa la dilay, tiro dukaammo ahna waxaa lagu boobay deegaan lagu magacaabo Mamelido oo dhanka Koonfur-bari ka xigta magaalada Pretoria ee xarunta dalka Koonfur Afrika, sida saraakiil dalka Koonfur Afrika ka tirsan ay warbaahinta u sheegeen.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ay weerareen dukaamadan qaarkoodna ay dhaceen, waxaana dukaamadan ku jira kuwo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed.

“Qof u dhashay dalka Bakistaan iyo qof kale oo Soomaali ah ayaa la dilay, sidoo kale waxaa toogasho lagu dhaawacay dhowr qof oo kale,” ayuu tiri Col. Noxolo Kweza oo ah afhayeenka booliiska deegaanka Memalodi.

Waxay sarkaalladan intaas ku dartay in dad badan oo ka mid ah kuwa ku nool deegaanka uu boobka iyo dilku ka dhacay ay boobeen dukaammada, kuwaas oo ay lahaayeen dad ajnabi ah.

“Booliisku waxay ku guuleysteen inay dajiyaan xaaladda deegaanka gellinkii dambe ee shalay oo Axad ahayd,” ayay hadalkeeda ku dartay afhayeenadda booliiska deegaankaas, iyadoo xustay in laba qof oo ka mid ah kuwii dhibka geystay ay booliisku gacanta ku dhigeen.

Sarkaaladda oo sii hadlaysay ayaa tiri: “Xaaladdu waa deggen tahay, laakiinse kacsanaan ayaa la dareemayaa. Waxaan isku dayaynaa in xaaladdu ay si caadi ah ku soo laabanto, dhammaan wixii dhacayna waa la diiwaan-geliyay.”

Wararka laga helayo Koonfur Afrika ayaa waxay sheegayaan in ruux Soomaali ah oo da’diisu ahayd 50-jir ah dhagax lagu dilay, laba qof oo kalena dhaawacyo xun loo geystay, iyadoo la boobay lix dukaan oo ay lahaayeen ganacsato Somali ah.

“Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Shariif Shukri ayaa dhagax lagu garaacay illaa uu ka dhinto, saddex qof oo Soomaali ahna dhaawac ayaa loo geystay,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay dhaqdhaqaaqe Soomaali ah oo lagu magacaabo, Xuud Badru-diin.

Badru-diin ayaa intaas ku daray in Shariif Shukri uu ahaa aabbe leh afar carruur ah, waxaana lagu weeraray dukaankiisa. Isagoo intaas ku daray: “15 dukaan oo ku yaalla goobta ay rabshaduhu ka dhaceen ayaa la boobay.”

Kumannaan Soomaali ah ayaa dalka Koonfur Afrika ku leh dukaamo ganacsi oo ku yaalla intooda badan deegaannada ka baxsan magaalooyinka waaweyn si ay lacago fara badan uga helaan.

Sannadkii lasoo dhaafay waxaa sidan oo kale dhagax lagu dilay ganacsade kale oo Soomaali ah oo 25-jir ahaa laguna magacaabi jiray, Cabdinaasir Maxamuud Good, iyadoo la dhacay dukaankii uu lahaa.

“Wixii ka dhacay Mamelodi waxay daba socdaan dhibaatooyinkii jinsi-faquuqa ahaa ee dalkaas ka billowday sannadkii 2008,” ayuu ganacsade dalka Congo u dhashay uu u sheegay warbaahinta caalamka qaarkeed.

Bishii May ee sannadkii 2008, in ka badan in 50 qof oo shisheey ah oo Koonfur Afrika ku noolaa ayaa la dilay, kaddib markii kooxo careysan ay ku weerareen deegaanno kale duwan oo Koonfur Afrika ku yaalla.

COMMENTS
LINKS