Dawladda Talyaaniga Oo Badbaadisay Boqolaal Tahriibayaala. ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Talyaaniga Oo Badbaadisay Boqolaal Tahriibayaala. ah
June 30, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) ;Ciidamada Bada ee dawlada Talyaaniga ayaa subaxnimadii Isniinta soo badbaadiyey dooni yar oo siday boqolaal tahriibayaal oo ka yimid dalka Liibiya.

Ugu yaraan 31 qof oo kamid ah dadka tahriibayaasha ah ayaa la sheegay inay geeriyoodeen kadib markii ay neef qabatobeen  doonidan oo ahayd mid aad u yar waxa saarnaa  dad gaadhaya 600 qof.

Markab ay leeyihiin ciidamada Bada ee Talyaaniga ayaa doonidan usoo jiiday magaalada Pozzalo oo ku taal jasiirada Sicily oo ka tirsan dalka Talyaaniga.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ciidamada Bada ee Talyaaniga sidan oo kale ugu gurmadeen dad gaaraya 1.600 tahriibayaal ka yimid qaarada Afrika sidookalena waxa ay dhawaan dawladda talyaanigu midawga yurub ka dalbatay in laga tageerro soo badbadinta dadka muhaajiriinta ah.

COMMENTS
LINKS