Dawlada Maraykanka oo safiir u magacaabaysa Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Maraykanka oo safiir u magacaabaysa Soomaaliya
June 3, 2014 - Written by Editor:

NEW YORK(Wajaalenews);Madaxweynaha mareykanka Barack Obama ayaa lagu wadaa in uu safiirkii ugu horreeyay u magacaabo dalka Soomaaliya tan iyo markii dalkaasi uu ku hoobtay dagaal sokeeye muddo ka badan labaatan sano.

 Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka ee arrimaha siyaasadda Wendy Sherman ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay muujinayso xiriirka qotada dheer ee mareykanka uu la leeyahay Soomaaliya iyo kalsoonida ah in mustaqbal wanaagsan uu ka horreeyo dalka Soomaaliya.

 Inkastoo labadani dal aysan waligood xiriirka isu jarin, haddana mareykanka ayaa albaabada u laabay safaaraddii uu ku lahaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sanadkii 1991-kii.

 Labo sano kaddibna 18 ka tirsan ciidamada mareykanka ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya dagaal ay la galeen maleeshiyo beeleed, taasi oo sababtay in mareykanka uu ciidamadiisa halkaasi kala baxo

COMMENTS
LINKS