Dawlada KENYA Oo Sheegtay In Ciidamaddeedu Toogteen Xubno Xarakadda Alshabaab Ka Tirsan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada KENYA Oo Sheegtay In Ciidamaddeedu Toogteen Xubno Xarakadda Alshabaab Ka Tirsan
June 20, 2014 - Written by Editor:

KENYA(Wajaalenews) ;Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay shan ruux oo ka tirsn Al-shabaab ay toogasho ku dileen, kuwaasoo ay xuseen inay ka tirsanaayeen kooxihii weerarka khasaaraha badan dhaliyay ku qaaday deegaanka Mpeketoni ee dalka Kenya.

Warka kasoo baxay booliiska ayay ku sheegeen in shantan ruuxx la dilay iyagoo cararaya, kaddibna loogu tagay maydadkood qoryo ay wateen oo ahaa kuwa daran-doorriga u dhaca ee AK-47, rasaas iyo walxaha qarxa.

Sidoo kale, war ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in dilka shantan ruux uu yimid kaddib markii ay isku dayeen inay ciidamada iska caabiyaan, iyadoo markii la toogtayna maydadkooda la soo qaaday.

“Ciidamadeennu waxay dileen shan ruux oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo doonayay inay ka baxsadaan deegaanka Bochai oo ka tirsan Mpeketoni, waxay wateen saddex qori oo nooca fudud ah, rasaas iyo walxaha qarxa,” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay howlgallo ka wadaan deegaannada ku dhow Jasiiradda Lamu oo ay ka dhaceen toddobaadkan weerarro ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Shacabka ku nool deegaanka Mpeketoni ayaa walaac xooggan ka qaba inay dhici karaan weerarro kale oo ay Al-shabaab kusoo qaaddo deegaankooda, kaddib weerarradii dhimashada badan geystay.

 

Al-shabaab ayaa ku gooddisay inay sii wadi doonto weerarrada ay Kenya ka geysnayso, iyadoo afhayeenkooda dhinaca howlgallada uu sheegay in Kenya ay tahay furun dagaal oo ay ku hardamayaan xukuumadda Uhuru Kenaytta iyo xoogaggooda

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS