Dawlada Itoobiya oo xidhay Xafiiskii socdaalka ee ay ku lahayd Wajaale iyo dadweyne halkaas ku go’doonsan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya oo xidhay Xafiiskii socdaalka ee ay ku lahayd Wajaale iyo dadweyne halkaas ku go’doonsan
June 9, 2014 - Written by Editor:

Tog Wajaale(Wajaalenews) ;Waxaa maalmahan udanbeeyay gabi ahaanba xidhnaa xuduuda u dhaxay somaliland iyo itoobiya kaasi oo wax socoda u gudbin dhinaca itoobiya xaga ay dhinaca somaliland usoo gudbayen

ethiopia-and-somaliland

Hadaba wararka aanu ka helayno magaalada togwajaale ayaa tibaaxaya in ay ciidamo xoogan ay dawlada itoobiya soo dhoobtay xadka kuwaasi oo aan wali u jeedadooda la caday xaga wararka qaar ka tibaaxayaan in ay isku dhaceen safaarada itobiya ay hargaysa ku leedahay  iyo xafiska wajaale u ga furan kaasi oo sobobtay in safaadu hakiso bixinta fiisooyinka’

Dhinaca kale arinta ayaa dhibaato wayn ku keentay dadka iskaga gudba labadan dal halkaas sida la sheegay ay ku cadiban yihiin Dadweyne doora oo safaro xagga dhulka ah ku tegi lahaa Itoobiya.

Xogguhu may faahfaahin sababta Rasmiga ah ee Itoobiya u xidhay  xafiiska socdaalka ee ay Wajaale ku lahayd,ku darsoo waxay safaarada Itoobiya ku leedahay Hargeysa hakisay bixinta fiisooyinka dhawrkii maalmood ee u danbeeyay.

Dawlada somaliland ayaa wali ka hadal arinta waxa rsmiga ah ee keenay iyadoo xaga cirka socdaalkoodu furan yahay

COMMENTS
LINKS