Danta Kulmiye Waa Musharaxnimadda Silaanyo W/Q Khadar Ibrahim. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Danta Kulmiye Waa Musharaxnimadda Silaanyo W/Q Khadar Ibrahim.
June 5, 2014 - Written by Wariye:

Bahweynta kulmiye waa xisbi hoggaan iyo hab maamul oo isku kalsoon oo ay hagaan hadaf iyo himilo siyaasadeed

 

Waxaan salaamayabahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamayamuwadiniinta Somaliland.

 

 

Xisbiga bahweynta kulmiye  waa xisbi Qaran oo mug iyo miisaanba leh, wuxuu yahay Xisbi salka ku haya sooyaalka iyo raad raaca taariikhda halgankii ummadda somaliland, wuxuu yahay Xisbi ku gaashaaman aqoon, karti iyo hal iyo horumar iyo wanaag iyo adaygnimo.

Wuxuu yahay Xisbi waayo arag ah oo in ka badan 7 sano ahaa mucaarid oo danta somaliland marwalba daninayay, wuxuu yahay Xisbi leh xeer iyo xaagaan uu ku dhaqmo, oo dhaqan u lahaa is tix gelin, talo wadaag iyo isu tanaasul.

 

Bahweynta kulmiye waa xisbi

hoggaan iyo hab maamul oo isku kalsoon oo ay hagaan hadaf iyo himilo siyaasadeed oo cad iyo shuruuc iyo kala danbayn leh, maaha xisbi logo dheli karo waayo waa bahweyn shicib.

 

 

Iyadoo shicib weynaha badankood taageersan yahay musharaxnimadda madaxweyn axmed maxamed maxmud silaanyo waxa haboon garabka kale ee khilakan iska wata inuu danta umadda tageersan xisbiga iyo musharaxnimadda madaxeyn silaanyo inay uga leexdan oo raacan aqlabiyada bulshadda , mid walbana wuxuu leeyahay wakhti gudoomiye muuse naa maaha wakhtigiisi waayo waad aragtaan maalin walba isaago arkaya baaqyadda bulshaweynta taageersan madaxweyne silaanyo.

 

Khilaafku sidu madaxweynuhu sheegay wuu soo afjarmi doona, wuxuuna ku so afjarmi doona wixi umadda rabto oo ay raacsan tahay.

 

Saadaashu waa khayr khayr khayr !!

 

W/Q Khadar Ibrahim A

 

Khadar338@hotmail.com

COMMENTS
LINKS