Danjire Cawil Cali Ducale Oo Ka Jawaabay Dhawaaqii Ka Soo Yeedhay Dawladaha Reer Galbeedka Iyo Luuqada Diblomaasiyadeed Ee Uu Kula Hadlay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Danjire Cawil Cali Ducale Oo Ka Jawaabay Dhawaaqii Ka Soo Yeedhay Dawladaha Reer Galbeedka Iyo Luuqada Diblomaasiyadeed Ee Uu Kula Hadlay
June 17, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) ;Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo wasiirka maaliyadda ka noqday xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka hadlay dhambaalkii ay Ingiriiska, Maraykanka iyo Midowga Yurub soo saareen toddobaadkan ee ay dawladda Somalialnd ugu baaqeen inay ciidamadeeda kala baxdo gobalada Sool iyo Sanaag ee Somaliland.

Danjire Cawil, oo waraysi gaar ah siiyay shalay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay diblomaasiyadu ku dhisantahay cadaalad iyo xaqsoor, haddii labadaas qodob laga waayana aanay cidina aqbali karin, waxaanu baaqa dawladaha reer galbeed ku tilmaamay mid khalad ah oo aan sinaba loo aqbali karin. “Marka u horaysa waxaanay Maraykan iyo Ingiriis ogolayn inay ina yidhaahdaan idinku ogolaada maaha, Maraykana ma ogolaanayo in dalkiisa gudihiisa ay koox qaranimada Maraykan ka soo horjeedaa ku dhex shirto, Ingiriisna ma ogolaanayo in koox qaranimada ingiriiska ka soo horjeedaa dalkiisa ku dhex shiraan, dawlad ogolaanaysaana ma jirto, markaas waxaanay Maraykan iyo ingiriis ogolayn annaga nama odhan karaan ogolaada.” Ayuu yidhi Danjire Cawil, waxaanu labadaas wadan ee Maraykanka iyo Ingiriiska ugu baaqay inay fahmaan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Halkan Ka Daawo

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu reer galbeedka ugu baaqay inaanay Somaliland ula soo badheedhin hadalo qadaf iyo gef ah, isagoo tilmaamay inay kooxda Khaatumo leedahay calaamadaha argagixisada lagu yaqaano “Kooxdan khaatumo dhibaato ayay ka wadaan dalka, umadii mashaariic loo samayn lahaa ayay hortaaganyihiin, qaar ayay laynayaan, calaamadihii argagixiso lagu yaqaanay oo dhan ayay leeyihiin, xuduuduhuna waa kuwo la yaqaan oo mustacmarkii ka tagay, umadina xuduudeeda gorgorton kama gasho, xuduud beeleedna lama samayn karo, Maraykan iyo Ingiriis waa inay fahmaan in nimankaas khaatumo ee dadka dhibayay ay dawladu wax ka qabanayso, ciidankii oo aan dal kale u talaabin in la yidhaahdo ka baxa dalkiina mid aanu aqbalayno maaha, waayo qaranimadii ayay dhaawacaysaa, wax aanay labadoodu ogolayn [UK iyo US]  nama odhan karaan oglaado. Cidna ku xadgudbi mayno, waxa loo baahanyahay in Ingiriiska iyo Maraykanku ay khaatumo culays ku saaraan inay xasaradaha joojiso, Puntland ay u sheegaan inay xuduudooda ku koobnaadaan, annaguna xuduudayada kama talaabayno.”

Wuxuu Danjire Cawil, sheegay inay Maraykanka iyo Ingiriisku ka baxeen xadka diblomaasiyadda, marka la eego war-qoraalkooda, waxaanu yidhi   “Diblomaasiyadu waa cadaalad iyo xaqsoor haddii aanay intaas lahayn maba aha diblomaasiyad, markaas diblomaasiyadii oo dhan ayay ka baxeen markay yidhaahdeen  dalkiinii ciidankiina ka saara; wax aanu ogolaan karnana mahaa, waxaanu Maraykan iyo ingiriis ogolayn oo aanay dunidu ogolayn in lanoola yimaado maaha, waana geef, waxaaanan ka codsanaynaa inay baaqooda dib uga noqdaan.”

 

Xigasho:Geeska

COMMENTS
LINKS