Dagaalo Xoogan Oo Ka Socda Dalka Ciraaq | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaalo Xoogan Oo Ka Socda Dalka Ciraaq
June 27, 2014 - Written by Editor:

tikriit(wajaalenews)Ciidamada Dowlada Ciraaq Ayaa La Sheegay Inay Wadaan Duulaan Ay Ku Doonayaan Inay Dib U Qabsadaan Magaalada Tikrit Oo Ah Magaaladii Uu Ku Dhashay Hogaamiyihii Hore Ee Ciraaq Saddam Xussen.

Dagaalkan Ayaa Ah Mid Xoogleh Iyadoo La Sheegay In Ciidamada Ciraaq Oo Wata Diyaaradaha Helikobterka Ay Ku Degeen Xarunta Jaamacada Tikrit Halkaasi Oo Uu Dagaal Xoogleh Ka Socdo.

Warar Soo Baxaya Ayaa Sheegaya In Mid Kamid Ah Diyaaradaha Ciidamada Dowlada Lagu Soo Riday Dagaalka Ka Socda Tikrit.

Magaalada Tikrit Oo Ay Ku Badan Yihiin Sunnida Ayaa Kamid Ah Magaalooyinka U Gacan Galay Kooxda ISIL(ISIS). Waxaana La Sheegayaa In Dowlada Ay Duqeyn La Beegsatay Qaar Kamid Ah Magaalada. Diyaaradaha Helikobterka Ayaa La Sheegay In Fuustooyin Waxyaabaha Qarxa Ku Jiraan Ay Ku Rideen Xaafado Ay Dad Rayid Ah Degen Yihiin, Falkan Oo La Sheegay In Uu Lamid Yahay Qaabka Ay Ciidamada Siiriya Ulla Dagaalamaan Xoogaga Kasoo Horjeeda.

Dhinaca Kale Diyaaradaha Dagaalka Ee Siiriya Ayaa Duqeeyey Magaalooyin Saaran Xadka U Dhaxeeya Ciraaq Iyo Siiriya, Goobahaasi Ay Ku Gacan Sareeyaan Xoogaga Sunnida Ah Ee ISIL

 

Wajaalenews.net

Hargeisa/office

COMMENTS
LINKS