Dadkii loo Xidhxidhay Khilafkii Xusbiga Kulmiye Oo Aan Wali Lasiidayn iyo Xukuumada oo Heshiishkii Ka baxday,+ Guurtidii oo aan ka Hadal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadkii loo Xidhxidhay Khilafkii Xusbiga Kulmiye Oo Aan Wali Lasiidayn iyo Xukuumada oo Heshiishkii Ka baxday,+ Guurtidii oo aan ka Hadal
June 10, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) wali waxaa xabsiyada ku jira dad frabadan oo loo soo qabqabtay khilafkii xusbiga kulmiye kuwaasi oo lagu heshiiyay in bilaa shuruud lagu siidaayo kana mid ahaa qodobadii lagu heshiyay waxaana sigaara loola hadhay xubno ay gudoomiyaha kulmiye isku beelyihiin iyo guurta oon ka hadal  waxa sonbobay

qodobadii lagu dhexdhexaadiyay xusbiga kulmiye iyo xukuumadiisa oo aan wali xaga xukuumada ka hirgalin kadib markii ay lakala hadheen dadkii xidhnaa oo marka hore heshiishku ahaa in dhamaanba lasoo daayo dadkii loo xidhxidhay arinta khilaafka kulmiye

Gudida dhexdhexaadinta waday ayaa waxa gadhwadeen ka ahaa saleebaan maxamuud aadan (saleebaan gaal)

Wararka aanu ka helayno ayaa tibaaxaya in ay dawladu lahadhay xubno gaara oo ay ula hadhayn halka qaarna ay siidaysay

Madaxwayne siilaanyo ayaa isagu halkaa ka cadeeyay inuu qaatay heshiishka waxaase iswaydiintu tahay cida kale ee heshiishkii kabaxday maxaabiistiina kala naqaysaynaysa ? tan ayaa cadaynaysa in aanu madaxwayne siilaanyo  u madaxbanaanay taladii dalka ayna la maamulayaan kooxo awooda dawladnimo ku aar goosanaya.Taasi waxay sobobidoontaa in ay marlabaad curto khilaafkale

DADKA JEELKA LAGULA HADHAY AYAA WAXA KA MIDA

MUJ NAASIR QALINLE

MUJ QURAYSH

MUJ SHIINE DHIBIDA IYO QAARKALE OO BADAN

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS