Dad Markii Horeba Isu-Kooxaystay Dano Gaar Ah Ayaad Moodaa Maanta Asxaabta Somaliland Ka Jirta;;Ismaaciil Buubaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Markii Horeba Isu-Kooxaystay Dano Gaar Ah Ayaad Moodaa Maanta Asxaabta Somaliland Ka Jirta;;Ismaaciil Buubaa
June 8, 2014 - Written by Editor:

Muqdishi(Wajaalenews)Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Xilal Kala Duwan Ka Soo Qabtay Dawlada Soomaaliya, Ayaa Ka Hadlay Khilaafka Ka Dhex-Taagan Xukuumadda Iyo Hoggaanka Xisbigeeda Ee KULMIYE Iyo Madax-Dhaqmeedkii Ka Yimi Koonfurta Soomaaliya, Isla Markaana Waxa Uu Sheegay In Xisbiyada Ka Jira Somaliland Iyo Siyaasiyiinta Hoggaamisa Aanay Dhab Ka Ahayn Ictiraaf Raadinta Iyo Somaliland-Nimada. Ismaaciil Hurre Buubaa Isagoo Ku Sugan Caasimada Soomaaliya Ee Miuqdisho, Waxa Uu Sheegay In Madax-Dhaqmeedka Soomaaliya Ka Yimi Uu U Arkaayey Siyaabo Badan.

“Madax-Dhaqmeedkii Soomaaliya, Waxaan U Arkaayey Siyaabo Badan Oo Dadkii In Badan Kala Oodnaa Sidii Oodaas Loo Qaadilahaa Horena Loogu Dhaqaaqilahaa. Waxay Ahayd In Madax-Dhaqmeed Ka Socda Koonfurta Soomaaliya Uu Tago Dhinacaas Iyo Somaliland. Runtii Waxyaabo Badan Ayay Soo Arkeen, Waxyaabo Badana Way U Kordhinaysaa Ummadda Soomaaliyeed. Waana Arrin Caalamka Oo Dhana Soo Dhaweeyay,”Ayuu Yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa. Ismaaciil Buubaa Waxa Kale Oo Uu Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga Talada Haya Ee KULMIYE, Isla Markaana Waxa Uu Sheegay In Xisbiyada Dalka Somaliland Ka Jiraa Aanay Ahayn Asxaab Ku Dhisan Hab Dimuqoraadiya, Waxaanu Yidhi, “Anigu Waxaan Khilaafka KULMIYE U Arkaa Khilaafkii Xisbiga UDUB Dhex-Galay Ee Noqday In UDUB La Waayo In Kan KULMIYE-Na Ku Socdo. Waayo, Runtii Asxaabta Jirta Maanta Somaliland Haddii Aad U Fiirsato Dhinaca Dhisma Ahaan Waxa Weeye Kooxo Ama Reero Ha Noqdeen Ama Kooxo Kale Oo Dhinac Diinta Ah Iyo Rag Soo Wada Shaqeeyay Oo Soo Wada Dhaqmay, Markaa Caqiido Siyaasaddeed Oo Qofkii Ka Go’aan Oo Xisbigaas Uu U Galay Waxa Uu Aamisan Yahay Meesha Mataalo. Dad Markii Horeba Isu-Kooxaystay Dano Gaar Ah Ayaad Moodaa Maanta Asxaabta Somaliland Ka Jirta Inay Ku Salaysan Yihiin Wax Faraqa Oo U Dhaxeeyaana Aanay Jirin. Badanaa Musharaxiintaasi Waxay Isku Hawlaan Sidii Dhalanteed Dadka Ugu Samayn Lahayeen Wax Aanay Jirin Oo Ictiraaf Iyo Dawlad Ayaynu Samaynaynaa, Badi Dadka Waxan Ku Hadaaqaaya Dhab Kama Aha, Waxaanay Og-Soon Yihiin Inay Suuragal Ahayn Oo Badi Waa Sidaas. Anigu Waxaan U Arkaa Masrixiyad Dadka Danahooda Lagu Dhantaalayo, Kuna Salaysan Dano Gaar Ah Wax Aan Ka Soo Bixikaarina Aanay Jirin. Waxaana Ka Soo Baxaaya In Xisbiga KULMIYE Sidii UDUB Oo Kale Isaguna Meesha Ka Baxo.” Waxa Kale Oo Ismaaciil Buubaa Ku Eedeeyay Xisbiyada Somaliland Inay Dhibaato Ku Hayaan Ammaanka Waxaanu Yidhi, “Xisbiga KULMIYE Reero Ayuu Ka Kooban Yahay Oo Reeraha Ayaa Meelo Kale Ku Shubanaaya.

Haddii Madaxweynuhu Meesha Ka Baxo Ma Burburayso Somaliland Nabada Iyo Degenaashaha Jirana Dad Weynaha Ayaa U Sabab Ah Ee Asxaabtu Waxay Ila Tahay Inay Dhibaato Ku Hayaan. Waxay Ila Tahay Waxa Is Badelaaya Xisbiga Iyo Xubnaha Cusub Ee Ka Soo Gala Baarlamaanka, Markaa Macno Ma Samaynayso Haddii Uu KULMIYE Noqdo Iyo Haddii Uu Mid Kale Noqdaba Macno Weyn Oo Ay Samaynaysaa Ma Jirto. Wax Iyaga U Dhaxeeyaa Ma Jiro Oo Aan Ahayn Oo Kaliya Kursi Doon, Markaa Feker Siyaasiya Oo U Dhaxeeyaa Runtii Meeshii Mayaalo. Markaa Anigu Uma Arko Haddii KULMIYE Uu Meesha Ka Baxo In Kala Dambaynta Iyo Degenaashaha Dalku Uu Meesha Ka Baxaayo, Laakiinse Waxa Laga Yaabaa In Xaqiiqda Siyaasiga Ah Ee Meesha Taala In Dadku Ay Fahmaan.”

Sidoo Kale Ismaaciil Buubaa Waxa Uu Sheegay In Dhawaan Dawlada Maraykanku Ay Talooyin U Soo Jeedisay Somaliland Waxaanu Yidhi, “Dhawr Cisho Hortood Dawlada Maraykanku Talooyinka Ay U Soo Jeedisay Somaliland In Wixii Dan Ah Iyo Wixii Dawlad Wannaag Ah In Caalamku Uu Diyaar Ula Yahay Oo Uu La Qabto.”

 

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

 

 

COMMENTS
LINKS