|
|||||
WAJAALE NEWS
Cunnista Roodhida Cad oo Caloosha ka Caawisa Heerka Difaaaca Xannuunadda Debadda kaga Yimaad
June 12, 2014 - Written by Editor:Xulashada(Wajaalenews) ;Roodhida cad ee sida fiican u dubmin, ayaa la oggaaday inay kor u qaado heerka difaaca caloosha iyo inay la dagaalanto xannuuno badan oo ku dhaca caloosha, sidaana waxa lagu sheegay daraasad cusub oo dhawaan la sameeyey. Waxa markasta aynu isku wargelinaa in cunnista roodhida cad ama qaybteeda hoose ee cad ay tahay mid aan u fiicnayn caafimaadka, taasina waa arrinta keentay in aynu ku dheganaano fikirkaas aynu rumaysanay, balse daraasadan cusub ee dhawaan la sameeyey ayaa lagu oggaaday inay si weyn kor ugu qaado heerka calooshu isaga difaacdo xannuuno badan oo soo waajaha iyo inay u horseedo caafimaad aad u fiican. Haddaba, daraasadan oo ay sameeyeen khuburo saynisyahano ah oo u dhalatay dalka Spain, ayaa waxay tilmaameen in roodhida cad ay dardargeliso inay si fiican u koriso bakteeriyadda ku nool caloosha qofka ee ka difaacda xannuunadda debadda kaga imanaya, kadib markii daraasadan lagu tijaabiyey bakteeriyadda ku jirta caloosha dadka iyo doorka ay ka qaadan karto caafimaad-qabka qofka. Sidoo kale, daraasadan ayaa waxa su’aalo lagu waydiiyey dad waayeel ah oo gaadhaya ilaa 38 qof xaaladooda caafimaadna fiican tahay, taasoo wax laga waydiiyey arrimo ku saabsan cuntooyinka nafaqada leh ee ay qaataan iyo iyadoo shaybaadh lagu sameeyey saxaradoodii si loo oggaado nooca bakteeriyadda ah ee ku jirta cuntadooyinka kala duwan ee ay qaataan, balse waxa si lama filaan ah loo helay in roodhida cad ay kor u qaado bakteeriyadda nooca loo yaqaan Lactobacillus oo kooxo bakteeriyo ah oo faa’iidooyin badan u leh caloosha, isla markaana waxa la oggaaday xidhiidhka ka dhexeeya cuntadda galka leh iyo awooda heerka bacteeriyadda ku nool caloosha ee ka difaacda dhigooda kale ee waxyeelladda u geysta qofka. Si kastaba ha ahaatee, daraasadii u dambaysay ee la sameeyey ayaa lagu helay in qaadashada ama cunista raashinka laga sameeyo midhaha sida roodhida cad iyo bariiska cad ay labadoodu si heer isku mid ah ka caawiyaan kor u qaadida bakteeriyadda ku nool caloosha ee la dagaalanta xanuunadda caloosha ku dhaca, waxana sidoo kale la xusay in markasta oo nooca bakteeriyaddan ah ay ku yaraato caloosha ay qofka soo waajacdo xannuuno iyo cilad caafimaad-darro oo dhinaca caloosha ah.
LASOCO XULASHADA WAJAALE IYO XIISAHA DUNIDA KANA DHIIBO FIKIRKAAGA
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|