Ciidanka Qaranka Somaliland oo saaka ka soo guuray Taleex iyo Sobobaha keenay;; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Qaranka Somaliland oo saaka ka soo guuray Taleex iyo Sobobaha keenay;;
June 26, 2014 - Written by Editor:

Taleex(Wajaalenews) wararka ka soo baxaya jiida Taleex ayaa sheegaya in ay xalay ka soo guureen Ciidanka Qaranka Somaliland, isla markaana ay ku soo noqday saldhigyadii ay ka ruqaansadeen markii ay weerarayeen kooxdii Khaatumo ee shirka ka waday magaaladaasi. Lama oga sababta ay Ciidanka qaranka Somaliland uga soo guureen fadhiisimadii ay ka samaysteen duleedka Taleex, hase yeeshee warar aanu  ka helayno  Ciidamada ayaa sheegaya in dib loo soo raray ciidanka. Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo ka mid ahaa weftigii xukuumaddu u dirtay Taleex ayaa sheegay inay 150 askari oo deegaanka ah u Qarameeyeen Degmadda, kuwaas oo uu sheegay amaanka inay sugi doonaan.

Saraakiisha Ciidanka qaranka iyo Xukuumadda Somaliland wali kamay hadal soo guuritaanka Ciidanka, hase yeeshee waxay u muuqataa in Qorshe cad Xukuumaddu kaga soo guurtay maadaama ay ka eriday Kooxdii Khaatumo ee shirka wadatay. Nin sheegtay in uu ka mid yahay Aqoonyahanka Degmadda oo saaka BBC-da la hadlay ayaa Somaliland ugu baaqay inay Ciidanka ka dul qaado, isagoo sheegay kooxdii Taleex in ay Kaynta galeen oo laga awood roonaaday

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS