Cabudhinta Beesha DHulbahante ee ka dhanka ah Somaliland; Garyaqaan Jimcaale jamac muxumed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cabudhinta Beesha DHulbahante ee ka dhanka ah Somaliland; Garyaqaan Jimcaale jamac muxumed
June 27, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) ;Marka hore waxaan u mahad naqayaa (ilaahay subxaanahu watacaalaa) inoo suura galiyey inaynu qorno maqaalkan oo ku saabsan ujeedada sare ku xusan.

Dhamaan waxaan salaamayaa umada islaamaka siiba umada reer Somaliland,salaan ka dib.

Beesha dhulbahante waxay ka mid tahay beelaha taga gayiga qaranka Somaliland gaar ahaan gobolada bari ee sool.

Beeshani waxay ka mid tahay beelihii Somaliland gooni isku taageeda ku dhawaaqay 1991kii gobolka togdheer caasimadiisa burco. Halkaas oo lagu heshiiyey in ay Somaliland samaysato maamul ka madax banaan somaliyada inteeda kale gaar ahaan gobolada koonfureed,heshiiskaas waxaa ka soo baxay qodobo ay u dhan yihiin dhamaan  beelaha daga dhulka Somaliland,waxaan kamid ahaa qodobada ka soo baxay heshiiskaas:

  1. 1.    In ay Somaliland ka madaxbaanaato wadanka somaliya intiisa kale oo samaysato  dawlad madaxbanaan.
  2. 2.    In ay dhamaan beelaha Somaliland u dhanaadaan dawladaa samaynayo oo ay beelwaliba iska dhex aragto dawladaa dhalanaysa.

Sidaa daraadeed beesha dhulbahante waxay kamid ahayd beelahaa saxeexay heshiiskaas ,kaas oo ay wakiil ka ahaayeen professor cali khaliif galaydh iyo oday dhaqameedyo kasoo jeeda beeshaas .

Si kastaba ha ahaatee markiii la qotomiyey qaranka somaliland waxaa ay beesha dhulbahante dirsatay ama ay dareentay cadaalad daro, taas oo ay ku doodayeen in qodobadii lagu heshiiyey 1991 kii shirkii ka dhacay magaalada burco laga baxay oo lajabiyey, waxayna diirada saarayeen in  laga qadiyey saami qaybsiigii kuraasta dawladii markaa dhalatay .

Waxaa markiiba beesha dhulbahante bilawday in ay ka soo horjeesato nidaamka madax banaanida ee ay samayteen beelaha Somaliland, taas oo ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay u dabargoyn  lahaayeen nidaaamkaa cusub ee ka dhashay gobolada waqooyi, iyaga oo aaminsanaa in ay ku hungoobeen heshiiskii ka dhacay magaalada burco 1991 kii.

Dhinaca kale markii ay  dawlada Somaliland dareentay ama ay garwaaqsatay in beesha dhulbahante ay ka soo horjeedaan nidaamka jamhuuriyada Somaliland iyo qadiyada madaxbanaanida ay aaminsan yihiin dadka dega gayiga qaranka Somaliland, waxaa ay u dhaqaaqeen sidii ay uga hortagi lahaayeen mucaaridnimadaa ka bilaabantay gobolka bari, taas oo go’aan ku gaadheen in ay kaga hortagaan qaab milatari iyo cabudhin, taas oo ahayd markii ugu horaysay ee qaranka Somaliland uu qalad galo aan laga soo noqon Karin  oo ilaa imika xal loo laayahay .

Go’aankani waxaa uu cidhib xumo dhaxal siiyey qaranka Somaliland, maxaa yeelay go’aankii ay qaateen waxaa uu ahaa in qaab milatari laga hortago oo xoog dib loogu soo celiyo mabdi’ii  ay aaminsanayeen , taas oo ahayd khalad wayn oo ay ku dagdeen madaxdii markaa hogaaminaysay wadan ka.

Waxaa uu go’aankaasi beesha dhulbahante gaadhsiiyey in ay mucaaridnimadii ay wadeen ay gaadho mid hubaysan.

Go’aankani waxaa uu nasiib u siiyey in dad farabadan oo ka soo horjeeday mabda’a Somaliland ay ku  soo hoos gabadaan mucaaridnimada ay wadaan beesha dhulbahante. Laakiin go’aankaa waxaa ka wanaagsanaa in lagu xaliyo qaab siyaadadeed oo lagaga hortaga mucaaridninadaa ay wadaan beesha dhulbahante.

Hadaba mucaaridnimaas waxaa aabo u  ah siyaasi cali khaliif galaydh, siyaasigani waxaa uu ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay shirkii lagaga dhawaaqay gooni iskutaaga somaliand ee dhacay 1991 kii magaalada burco, isagoo kamid ahaa xubnihii matalayey beesha dhulbanhante waxaa uu siyaasigani ku doodayey in nidaamka Somaliland laga dhigo nidaam barlamaan ah (parliamentary system) waxa uu ka soo horjeeday in laga dhigo nidaamka ay manta somalialnd haysato kaas oo   la yidhaahdo nidaamka madaxweynimo (presidential system), sidaas darteed siyaasigani  waxaa uu galaaftay nafo faradaban intii uu ku jiray mucaaridnimadan hubaysan.

hadaba beesha dhulbahante waxay ku antacoonaysaa  in laga qadiyey dhamaan saami qaybisigii kuraaseed ee ay beeshu xaq u lahayd, taas oo jeebka ku wada shubteen beesha dhexe,tusaale ahaan sadexdii waaxood ee qaranku ka koobnaa waxaa gacanta ku haya beesha dhexe sida guddoomiyaha barlamaanka, guddoomiyaha maxkamda sare iyo madaxweynaha somalialnd iyo dhamaan xilalaka wasaaradaha waawayn sida :-

  • Ø Wasaarada arimaha gudaha
  • Ø Wasaarada maaliyada
  • Ø Wasaarada waxbarashada

Wasaarada arimaha dibadaba,     dhamaan waxaa wada haysta beesha dhexe.

Waxaa kale oo ay ku andacoonayaan  in dhamaan suuqii xorta ahaa ee Somaliland laga gacmo xidhay oo gacanta loo galiyey niman ka soo jeeda beesha dhexe ee Somaliland. Sidaas dareed maxay ku xaliyeen dawladihii soo maray Somaliland?

  • Ø Xukuumada marxuum c/raxmaan tuur:-

Xukuumadani waxay ahayd xukuumadii la bilaabantay mucaaridnimada beesha dhulbahante, taas oo ay xukuumadani waxba aanay ka qaban cabashadaas iyo mucaaridnimadaas ,maxaa yeelay waxaa ka awood badnaa mucaaridnimada kaga socotay wadanka intiisa kale.

  • Ø Xukuumada marxuum maxamed xaaji ibraahin cigaal:-

Xukuumadani waxay markii ugu horaysay xalisay mucaaridnimadii ka socotay wadanka gudihiisa, waxay markii labaad isku dayday in ay xaliso tabashooyinkii ay tirsanayeen beesha dagta gobolka sool.

Si kastaba ha aatee waxay go’aan ku gaadhay xukuumadaas in lagu xalin karo hab milatari, taas oo ay gaysay ciidamo  milatari  ah dhamaan dhulka ay dagaan beesha dhulbahante.marxuumku waligii muu booqan gobolka ay dagaan beesha dhulbahante intii uu hayey sababo amaan darro awgeed.

 

  • Ø Xukuuumadii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin:-

Xukuumadani waxba kamay badlin siyaasadii marxuum cigaal ee ku aadanayd beesha dhulbahante, taas oo ahayd in lagu xaliyo nidaam milatari tabashada ay tabanayaan beesha dhulbahante.madaxwayne rayaale waligii mar ayuu booqday gobolka ay dagaan beesha dhulbahante ee sool, halkaas oo lagu qaaday weerar naftiisa halis lagu galiyey kuna dhaawacmay dirawalkiisii.

 

  • Ø Xukuumada madaxwayne siilaanyo:-

Madaxweynaha hada haya xilka madaxtinimo ee wadanka Somaliland wax ayuu ka badalay siyaasadii ahayd in lagu xaliyo qaab milatari, isaga oo u badalay qaab xalin siyaasadeed oo uu  u fidiyey gogol nabadeed , waxaanu ku guulaystay in uu waxyaabo farabadan oo lataaban karo ka badalo siyaadadii ku aadanayd gobolka sool,siyaasiyiin ku culus beesha dhulbaahantana ka badalay mabda’oogii ka dhanka ahaa qadiyada somalilan, se laakiin siyaasadii ahayd in lagu xaliyo qaab milatari wali may dabar go’in, sidaa daareed qoraagu waxaa uu  su’aal waydiinayaa xukuumada hada jirta iyo shacabka Somaliland waxaa weeyi su’aashii:-

  1. 1.    Imisa bilood,imisa sanno, imisa qarni ayaa ay ciidamada qaranka Somaliland joogayaan gobolka sool? Se xal kale ma loo helayaa oo aan ahayn xal milatari?

Gabogabo

Aniga oo ah qoraaga maqaalkan waxyaabo farabadana ka darsaya xaalada gobolada bari iyo siyaasada ku aadan gobolka sool.

Waxaan u soo jeedinayaa xukuumada hada haysa xilka in ay wax badasho siyaasada qalafsan ee ku aadan gobolka sool,taas oo in ciidamo la dul dhigo,taasina waxba ma badalayso inay nacayb sii abuurto mooyaanee.

Sidaas darteed Waxaa loo baahan yahay in siyaayad cad laga yeesho gobolka sool, siyaasadaas oo ku aadan sidii wax looga badali lahaa mabda’a ay aaminsan yihiin imika looguna soo celin lahaa mabdi’ii ay aaminsanaayeen 1991 kii, markii ay fadhiyeen shirkii lagaga dhawaaqayey gooni iskutaaga Somaliland ee ka dhacay gobolka togdheer magaala madaxdiisa burco.

Maadaama aan  waxyaabo farabadana ka darso xaalada gobolada bari iyo siyaasada ku aadan gobolka sool.

Sidaynu wada ognahayba  dhamaan dadka ka soo jeeda gobolkaas waa iskuwada mabda, waxaana loo baahan yahay siyaasadii lagu xalin lahaa hawshaas baaxada leh, maxaa yeelay marka qof wuxuu aaminsan yahay labadalo oo wax kale la aaminsiinaya maaha hawl fudud ee waxay wadataa dhibteeda.

Waxaa loo baahan yahay inaanu qofkasta oo reer Somaliland ahi aanu iska indho tirin cabudhintaa lagu hayo beesha degta gobolka sool, oo aan laga dhaadhacsiin uun qadiyada Somaliland ayey ka soo hor jeedaan, ee waa in uu iswaydiiyaa sababta loo diiday ama looga soo horjeestay qadiyada Somaliland.?

Waxaa kale oo loo baahan yahay in aynu cilmigeena iyo qacligeenaba ku cabirno sidii xal loogu heli lahaa, iskana saaro caadifada ku jirta qalbigiisa ee ka dhalatay diiditaanka  ay diideen beesha dhulbahante qadiyada Somaliland, maxaa yeelay qofkastaaba wuxuu xor u yahay in uu siyaada uu doono aamino, sidaa darteed maaha inaynu marka layidhaahdo qofkaasi ama qabiilkaasi wuxuu diidan yahay qadiyada Somaliland aynu seefta la boodno oo caadifad xumi ina gasho.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa waar waa in qof walba iyo cidkasta oo diidan qadiyada Somaliland in la soo dhaweeyo oo la isku hawlo sidii looga dhaadhicin lahaa qadiyada ay umadan reer somalilalnd go’aansadeen………………THE END.

More information visit my hotmail:llb-2015@hotmail.com  

      Cell phone-063-4085500

COMMENTS
LINKS