Cabbitaanka hal Koob oo Bunka Badow ah Wuxuu kaa difaaci Karaa in Ilkahaagu suus Yeeshaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cabbitaanka hal Koob oo Bunka Badow ah Wuxuu kaa difaaci Karaa in Ilkahaagu suus Yeeshaan.
June 11, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) ;Cabbitaanka hal koob oo bunka madow ah wuxuu kaa hor joogsan karaa in ilkahaaga ay ku dhalato bakteeriyadda keenta suuska, sidaasna waxa lagu caddeeyey daraasad dhawaan la sameeyey.

Ilkaha(1)

Kooxo saynisyahano ah, ayaa daraasad ay sameeyeen ku oggaaday in cabbitaanka bunka mawod ee aan caanaha lahayn ay ilkaha ka difaacaan inay ku dhalato bakeeriyadda keenta xannuunka suuska loo yaqaan ee jajabiya ilkaha.

Haddaba, daraasadan cusub ayaa lagu oggaaday in maado ku jirta bunku ay gebi ahaanba jajabiso ama burburiso bakteeriyadda ku dul dhalata ilkaha dushooda, taasoo isku dul dahaadha ooggada sarre ee iliga.

Sidaa daraadeed, haddii aad jeclayd in aad cabto hal koob oo nooca bunka ah ee madow maalin kasta, waxa xaqiiq ah in dhakhtarkaaga ilkuhu kuu sheego fayo-qabka ilkahaaga.

Kooxahan saynisyahada ah oo ka soo jeeda dalka Brazil, ayaa waxay daraasadan ay sameeyeen ku oggaadeen in nooc ka mid ah iniinta bunka ay leedahay maado ilahaha ka hor istaagi kara inuu ku dhaco suus, sidoo kale daraasada ayaa shaacisay in haddii maalin kasta uu qofku cabo hal koob oo bun madow ah, isla markaana aan lahayn sonkor ay qofka ka caawin karto in xaaladda ilkihiisu ay noqdaan kuwo aad u wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, iniinta noocan ee bunka, ayaa 30% laga isticmaalaa bunka adduunka, waxana la oggaaday in iniintan ay ku jirto maado awood u leh inay jajabiso bakteeriyadda ku sul samaysanta ooggadda sarre ee iliga, taasoo keenta inay gebi ahaanba burburiso iliga, dhinaca kale kooxaha saynisyahanada ah ayaa ka digay in bunka oo loo isticmaalo sonkor ama waxyaabbo macmacaan oo lagu daro bunka ay hoos u dhigayso waxtarka maadadii ku jirtay intiinta bunka ee awooda u lahayd inay ilkaha ka difaacdo xannuunadda burburiya.

 

COMMENTS
LINKS