Bisadii u weyned bisaaska adduunka oo ku dhimmatay 24 jir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bisadii u weyned bisaaska adduunka oo ku dhimmatay 24 jir
June 11, 2014 - Written by Editor:

Xulashada ‘(Wajaalenews) ;Bisadii haysatay rikoodhka da’ada bisaaska adduunka, ayaa ku dhimmatay iyadoo 24 jir ah, kadib markay muddo toddobaad ah u jiiftay xannuun.

Poppy oo loogu magac daray bisadan, ayaa waxa iska lahaa qoys ku dhaqan dalka Ingiriiska, waxana la sheegay inay dhalatay bishii February ee sannadkii 1990-kii oo ahayd isla bishii xabsiga laga sii daayey xaq-u-dirirkii iyo halgamaagii gummaystaha ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela.

Haddaba, bisadan ayaa rikoodhka kala wareegtay mid ka horreysay oo haysatay rikoodhka da’da bisaaska, taasoo dhimmatay sannad kahor iyada oo da’adeedu tahay 23 jir.

Bissadan oo noolayd intii u dhaxaysay shan ra’iisal Wasaare oo ku kala dambeeyey maamulka dalka Ingiriiska.

Dhimmashada bisadan, ayaa ku soo beegantay maalin kadib geeridii ku timi ninkii haystay isaguna rikoodhka qofka ugu da’da weyn adduunka oo ku geeriyooday 111 jir.

 

 

 

xulashada wajaale iyo xaaladaha aduun ka lasoco

 

COMMENTS
LINKS