Beesha Caalamka Oo Somaliland Ugu Baaqday In Ay Si Deg Deg Ah Ciidamadeeda Uga Saarto Gobolada Sool Iyo Sanaag | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Beesha Caalamka Oo Somaliland Ugu Baaqday In Ay Si Deg Deg Ah Ciidamadeeda Uga Saarto Gobolada Sool Iyo Sanaag
June 15, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)Saddex Diblomaasi Oo Dalalkooda U Fadhiya Wadanka Kenya, Ayaa Dawladda Somalialnd Ugu Baaqay Inay Ciidamadeeda Kala Baxdo Gobalada Sool Iyo Sanaag.

Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Somaliya Neil Wigan, Ergayga Maraykanka Ee Somaliya James P. Mcanulty Iyo Wakiilka Midowga Yurub Ee Somaliya Michele Cervoned, Ayaa Warsaxaafadeed Ay Shalay Magaalada Nayrobi Ka Soo Saareen, Waxa Ay Somaliland Ugu Baaqeen Inay Si Deg Deg Ah Ugala Baxdo Ciidamadeeda Gobaladaas, Oo Ay Yidhaahdeen Waa Lagu Muransanyahay. “Waxaanu Ku Baaqaynaa In Si Deg-Deg Ah Looga Saaro Ciidmada Goobaha Lagu Muransan Yahay Ee Gobolada Sool Iyo Sanaag, Waxaana Ugu Baaqaynaa Dadka Ay Arrintaas Khuseyso Inay Ka Waantoobaan Rabshadaha,” Ayay Danjirayaashan Ku Sheegeen Qoraal Wadajir Ay U Soo Sareen.

Danjireyaashan Ayaa Walaac Ka Muujiyey Xaalka Degaanadaasi, Iyagoo Ku Taliyey In La Is Xakameeyo “Waxaan Ku Baaqaynaa Is-Xakameyn Iyo In Laga Hortago Isticmaalka Ciidamada. Dhammaan Qaybaha Ay Quseyso Arrintaan Waa Inay Dadaal Deg-Deg Ah Sameeyaan Si Wadahadallo Loogu Xalliyo Khilaaf Iyo In Si Dhab Ah Loo Muujiyo Doonista Ah In La Abuuro Waxyaabaha Muhiimka U Ah Degenaasho Waarta Oo Ka Dhacda Gobolka.”

Hadalkan Ayaa Ku Soo Beegmaya Laba Maalmood Ka Dib Markii Ay Ciidamada Qaranka Somaliland La Wareegeen Magaalada Taleex Ee Gobalka Sool Oo Ay Kooxo Somaliland Diid Ahi Ku Shirayeen.

Dad Badan Oo Reer Somaliland Ah Ayaa La Yaabay Warsaxaafadeedkan Diblomaasiyadeed Ee Ay Safiiradu Soo Saareen, Waxaana Lala Yaabay Inay Dawlad Kula Taliyaan Inay Ciidankeeda Kala Baxdo Qaar Ka Mid Ah Gobaladeeda. Laakiin Dad Badan Ayaa Aaminsan In Diblomaasiyadii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Gaabisay.

Warsaxaafadeedkan Ka Hor Kooxo Ka Socda Kooxda Khaatumo Ayaa Booqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, Iyagoo Gaadhsiiyay Dacwad Ka Dhan Ah Somaliland.

wajaalenews

Hargeisa/office

c/raxmaan carab daud

 

COMMENTS
LINKS