Baakidhka Sigaarka oo aan midab lahayn Wuxuu hoos u dhigi karaa Heerka Balwadda Da’yarta Qiijisa Sigaarka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baakidhka Sigaarka oo aan midab lahayn Wuxuu hoos u dhigi karaa Heerka Balwadda Da’yarta Qiijisa Sigaarka
June 15, 2014 - Written by Editor:

Xulashada(Wajaalenews) ;Kooxaha u ololeeya ka hortaga iyo joojinta qiijinta sigaarka, ayaa sheegay in baakidhka lagu rido sigaarku uu noqdo mid aan lahayn wax midab ah, taasoo ay sheegeen inay tahay habka ugu haboon ee dhallinyaradu ay ku joojin karto qiijinta sigaarka.

Sigaar

Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in haddii baakidhka lagu rido sigaarka laga dhigo mid aan lahayn midab ay noqon doonto mid saamayn toggan ku yeelata caafimaadka guud ee bulshada iyo in aanay balwada qiijintu noqon doonin mid soo jiidasho leh.

Haddaba, sida ay xuseen kooxahan u ololeeya joojinta qiijinta sigaarka ayaa waxa muddo dhaafay wakhtigii loo qorsheeyey in la hirgeliyo nidaamkan cusub ee lagu yareynayo heerka tiradda dadka sigaarka qiijiya, waxaanay ka dhawaajeen in qorshahan uu hortaagan yahay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron.

Dhinaca kale, waxa buux dhaaf noqday waraaqaha qoraalka ah ee dawladda dalka Ingiriiska lagaga codsanyo in sida ugu degdega badan loo hirgeliyo ka shaqeysiinta qorshahan, isla markaana mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Ingiriiska, ayaa Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska u jeediyey inuu qorshahan socodsiiyo, taasoo ay xuseen in aay jiri Karin wax sabab ah oo qorshan dib u dhigi kara, waxaanay sidoo kale Cameron u jeediyeen inuu ka shaqeeyo waxyaabaha wanaagsan iyo in aanu marnaba tixgelin siin danaha gaarka ah si uu u waajaho la dagaalanka dadka wada waxyaabaha qaldan.

 

Xannuunadda uu keeno qiijinta sigaarka, ayaa waxa la rumaysan yahay inuu yahay weyn ee keena xannuunadda ugu badan ee laga hortagi karo ee ay u dhintaan dadka weynaha ku nool adduunka, isla markaana waxa la xaqiijiyey in sannadkasta 100,000 oo qof sannadkiiba ay dalka Ingiriiska u dhintaan xannuunadda uu keeno qiijinta sigaarku.

 

 

COMMENTS
LINKS