|
|||||
WAJAALE NEWS
Ardayda Jaamacaddaha oo Isticmaalka Facebook-ga iyo Farriimaha Qorraalka Mobilka kaga Mashquula Wakhtiga Duruustu Socoto
June 23, 2014 - Written by Editor:WAJAALENEWS ;Daraasad dhawaan la sameeyey, ayaa shaacisa in ardayda dhigata jaamacaduhu ay wakhti gaadhaya ilaa lix saacadood oo maalin kasta ah ay ku qaataan isticmaalka Facebook-ga, YouTube-ka iyo qoraalka fariimaha ee mobilka. Daraasadan, ayaa lagu sheegay in ardayda jaamacaduhu 75% ay maalin kasta inta u dhexaysa saacad iyo badh iyo laba saacadood ay ku qaataan isticmaalka shabakaddaha xidhiidhiya bulshada sida Facebook-ga ama Twitter-ka, halka tobbankiiba mid ka mid ah uu ugu yaraan wakhti gaadhaya ilaa saddex saacadood ku qaato isticmaalka shabakaddaha kale. haddaba, warbixinta lagu shaaciyey daraasadan ayaa lagu sheegay in badanka ardayda jaamacaddaha ay wakhtiyadda xiisaduhu socdaan ku mashquula isticmaalka facebook-ga ama inay farriimo qorraal ah isu diraan, taasoo keenta in gebi ahaanba ay lunto isla socodkii ardayga iyo macalinka, isla markaana arrintaas ayaa keentay in arday farabadan lagaga caydhiyo jaamacadda. Dr Mark Griffiths oo ah khabiir ku takhasusay cilmi nafsiga iyo saxaafadda oo ka dhiga jaamacadda Nottingham Trent University, ayaa sheegay in arday aad u tiro badan ay isticmaalaan qalabka lagu wada xidhiidho, gaar ahaan wakhtiga lagu gudo jiro xiisada, waxaanu khabiirkan tilmaamay inuu gebi ahaanba joojiyo casharka uu dhigayo ilaa inta ay ka soo jeedsanayaan, balse haddii uu mar labaad arko ardayga oo fooggan waxyaabbo kale, kadib uu qaato go’aan ah inuu xiisadda dibbedda uga saaro ardayga. Ugu dambayn, machadka daraasadan sameeey ayaa sheegay inay walaac weyn ka qabaan in isticmaalka aaladdaha casriga ah wakhtiyadda xiisaduhu socdaan ay bulshadda ku keeni karto saamayn tabban iyo in ardayga ay dhaafto muhiimadii iyo inay lunto tayaddii waxbarasho ee heer jaamacadeed.
WAJAALENEWS DESK EMAIL’WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Wasiirka Ganacsiga Iyo Mareeyaha Dekedaha Oo Siwada Jir Ushaaciyay Qiimo Dhimis Lagu Sameeyay koonti... Magaalada Berbera Oo la Ceeryoontey Dad Uu Xisbiga Kulmiye kaga Soo Daad Gureeyay Magaalooyinka W... “Haddii Aan Muddo 3 Cisho Ah Lagu Sii Dayn Doolaal, Waxaan Ku Dhawaaqi Doonaa Arrin Horseedi Doonta ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|