Aniga Iyo Madaxweynuhu Waan Isku Xidhan Nahay Oo Sida Uu Distoorku U Siiyey (Madaxweynaha Teeramka 2aad) Ayuu Noo Wada Siiyey Labadayadaba;;saylici | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aniga Iyo Madaxweynuhu Waan Isku Xidhan Nahay Oo Sida Uu Distoorku U Siiyey (Madaxweynaha Teeramka 2aad) Ayuu Noo Wada Siiyey Labadayadaba;;saylici
June 8, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Rogoshada Khilaafyada Soo Noq Noqda Ee Somaliland Ayaa Lagu Yaqaana Inay Hadba Meel Aan Laga Filin Ka Fadkudiyaan Waxa Ugu Caansan Khilaafyadii Somaliland Ka Dhacay Kii Guddoomiyaha Wakiiladda Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Md Cabdiraxmaan  (Cirro) Iyo Xukuumadda Xisbig Kulmiye Ka Dhex Qarxay Kaasi Oo Dalka Iyo Dadka Reer Somaliland Khalkhal Weyn Galiyaye Heerkii Uu Gaadhay Waxa Xigay Kan Shalay Sabtidii La Soo Afjaray Ee Soo Noq Noqday Isagu Ee Kulmiye Iyo Xukuumadiisa Ka Dhextaana Todobaadyadii La Soo Dhaafay.

Hadaba Sida La Saadaalin Karo  Xukuumadda Somaliland Ee Uu Hogaamiyaha Ka Yahay Madaxweyne Axmed Siillaanyo Waxa Ay Xaasil Ka Dhigtay Oo Bulshada Somaliland U Caysay In Uu Madaxweynaha Hada Talada Dalka Haya Ee Axmed Maxamed (Siillaanyo) Yahay Murashaxa Doorashada Loo Balansan Yahay Sannada 2015 Inay Dalka Ka Qabsoonto Ee Madaxweyne Nimo Iyada Oo Cid Kasta Oo Kula Tartami Lahayd Ama Han Muraxshanimo Lahayd Wadada Looga Xaadhay Inay La Tartanto Siillaanyo Iyada Oo Ugu Dambeeyey Tartankii Muuse Biixi Cabdi Uu Cilaamayey Oo U Muuqda Mid Uu Faro Madhan Ka Taagan Yahay Haatan Ayaa Arin Kale Oo La Ma Filaan Ahi Soo Bidhaameysaa.

Arinta Kale Ee Aadka U Xiisa Badan Una Badan Tahay In Khilaaf Hor Lihi Ka Yimaado, Ayaa  Ah In Murashaxnimada Doorashadda Soo Socota Ee Jagada Madaxweyne Ku Xigeen Oo Aan Ilaa Hada Xukuumaddu Cadeyn Halka Murashaxnimadda Madaxweyne Axmed Siillaanyo-Na Warbaahinta Afka Dawladda Ku Hadasha  Gaar Ahaan Tv-Ga Iyo Idaacadu Aanay Afka Ka Qaadin Hadana Aan Mar Kaliya La Soo Hadal Qaadin Jagada Murashaxa Ku Xigeenka Ee Doorashada Soo Socota,Taasi Uu U Muuqa Miday Qorshayaal Qarsoon Iyo Murashax Aan Madaxweyne Ku Xigeenka Hada Jooga Aheyni Uu Meesha Ku Jiro Iyada Oo Warjiraaba Todobaadyadda Iyo Bilaha Soo Socda Uu Shaaca Ka Qaadmi Doono.

Habada Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ee Dawladda Madaxweyne Axmed (Siillaaanyo) Md Cabdiraxmaan Ismaaciil (Seylici) Ayaa Isagu Dhankiisa Shaaca Ka Qaaday Kana Hadlay Murashanimadiisa Doorashada Soo Socota Isaga,Taasi Oo Si Cag U Tilmaamay In Madaxweyne Axmed Siillaanyo Iyo Isagu Meel Ay Ku Kala Hadhi Karaan Aanay Sharciyan Jirin Isla Markaan U Wada Taagan Yihiin Doorashadda Soo Socota Ee 2015 Oo Ku Aadan Teeramkoodii 2aad Ee Kursiga Madaxtooyadda Hadii La Wada Doorto.

Md Cabdiraxmaan Ismaaciil (Seylici) Oo Ka Hadlaayey 27 May Huteel Maansoor Isaga Iyo Garabkii Madaxtooyadda Ee Xiligaasi Ay Garabka Muuse Biixi Cabdi Taladda Xisbiga Kulmiye Isku Hayeen  Isaga Oo Su,Aal Laga Weydiiyey Hankiisa Teeramka  2aad Ee Madaxweyne Ku Xigeenka Doorashada Soo Socota Waxa Uu Ku Jawaabay “Aniga Iyo Madaxweynuhu Backegge (Shandad) Isku Xidhan Ayaanu Nahay Oo Sida Uu Distoorku U Siiyey (Madaxweynaha Teeramka 2aad) Ayuu Noo Wada Siiyey Labadayadaba In Aanu Backegge Isku Xidhan Ahaano, Oo Hadii Aanay Dembi Dalka Ka Gelin Ama Taladoodu Aanay Kharibmin Waxa Ay Xaq U Leeyihiin In Mar 2aad La Wada Doorto ”

Si Kastaba Ha Ahaagee Waxa Aynu Eegi Doona Halka Ay Sal Dhigato Hanka Siylici Ee Murashaxnimada Madaxweyne Ku Xigeenimada Doorashada Sannadka   2015 Ee Soo Socota Ee Teeramka 2aad Iyo Qorshayaasha Qarsoon Ee Seefta Madaxweyne Axmed Siillaanyo Inay Qaado Md Cabdiraxmaan Seylici Iyo In Uu Ka Badbaado.

 

Wajaalenews.Net

COMMENTS
LINKS