ALLE Ha U Naxariistee Suxufigii Qoraaga Ahaa Ee MM Kastam Oo Geeriyoodday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ALLE Ha U Naxariistee Suxufigii Qoraaga Ahaa Ee MM Kastam Oo Geeriyoodday
June 11, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) ALLE ha u naxariistee waxa Magaaladda Hargeysa ku geeriyoodday Suxufi ahna qoraa ku xeel-dheeraa arrimaha Bulshadda Maxamed Maxamuud Kastam, kaas oo ku geeriyoodday Maanta Magaaladda Hargeysa.

MMKastan

ALLE ha u naxariistee MM Kastam waxa uu ka soo shaqeeyay warbaahin kala duwan, isagoo ka mid ahaa hawlwaddeennadii aas-aasay saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Wargeysyadii Maandeeq, Jamhuuriy, waxa kale oo uu wax badan ku soo kordhiyay Telefiishanka HCTV oo ahaa madaxa barnaamijyada, waxaanu mid ahaa La-taliyayaasha sar sare ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, gaar ahaan Telefiishanka Qaranka.

Marxuum Kastam waxa lagu xauusan-doonaa Buugaag iyo Sheekooyin ka hadli-jiray arrimaha Bulshadda, gaar ahaan Sheekaddii BADWEYNTA NOLOSHA.

Bahadda  shabakada wararka Wajaalenews   waxay ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan ehelada, asxaabta, iyo bahda saxaafadda ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Maxamuud Kastam.

 

INAALILAHI WA INAILAHI RAAJUCUUN

COMMENTS
LINKS