|
|||||
WAJAALE NEWS
Al-shabaab Oo Sheegatay Weerar Lagu Dilay 48 Qof “Haku Riyoonina Inaad Nabadgelyo Ku Noolaataan”
June 16, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews) ;War ka soo baxay kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay masuul ka ahayd weerar xalay ka dhacay Magaalo Xeebeedda Makatoni oo ka mid ah degmada Lamu ee dalka Kenya, weerarkaasi oo ay ku dhinteen 48 qof. Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu faahfaahiyay goobaha ciidamada Al-shabaab weerareen waxaana ka mid ah Hoteello, Banki iyo saldhig boolis oo ciidamada dowladda Kenya ay ku sugnaayeen. Bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu yidhi “Haku riyoona abid in aan nabad gelyo ugu noolaataan dhulkiina inta ay ciidankiinu dalkeena ku gummaadayaan shacabka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan” Sidoo kale, waxaa bayaanka lagu soo hadal qaaday qaabkii uu u dhacay weerarkii Jaziiradda Lamu, waxayna Al-shabaab sheegatay inay muddo 10 saacadood ah gacanta ku haysay Magaalada Mkepetoni isla-markaana ay dileen ilaa 50 ruux Related posts:Xukuumadda Oo Kala Badh Xuquuqdii Shaqaalaha Dekeda Berbera lunsatay Iyo Shaqaalihii Oo Diiday in Q... Xisbiga UCID oo WADDANI Ku Eedeeyay Inuu Ku Balan Furay Heshiisyo Ay Ka Gaadheen Arimo Khuseeya Dora... Guddida Fulinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Ururkaasi ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|