Afhayeenka Madaxtooyada oo Xukuumada Ka difaacay eedaymo uu u Soo jeediyay Eng maxamed xaashi,Kuna Tilmaamay Mid duminaya wixii u usoo halgamay’ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Madaxtooyada oo Xukuumada Ka difaacay eedaymo uu u Soo jeediyay Eng maxamed xaashi,Kuna Tilmaamay Mid duminaya wixii u usoo halgamay’
June 28, 2014 - Written by Editor:

,,Maxamed xaashoow Aniga iyo Sayid Waxaad nagu tidhi Xukuumadka Wanaagsan oo somaliland soo maraysaa soona maridoonto majirto;;

Ana Waxaan Maanta ku leeyahay,;;;;;;;;;;;;;;;;;;;?

Hargeisa(Wajaalenews) ;Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleeban Dhuxul aya xukuumada ka difaacay eedaymo u usoo jeediyay eng maxamed xaashi cilmi hadaba shirjaraid oo u maanta ku qabtay madaxtooyada ayaa wuxu u dhignaa sidan;;

“Waxa jira rag waaweyn oo mas’uuliyiin ah oo qaran tacab badan uu ka soo galay oo tacab badan dadkan ka soo galay oo u soo halgamay oo maanta tacabkii ay soo dhigeen inay baabi’iyaan garbo duub looga hayo, waxa ka mid ah Maxamed Xaashi Cilmi, dalkan dhibaatooyin farabadan buu u soo maray, wuu soo halgamay, qiimahaas ayuu ku lahaa, maantana tacabkii dalkan markii la gaadhay ee qiimihiisii la gaadhay ee sharaftii shacabka Somaliland ay soo noqotay ee wixii ay u halgamayeen la helay ee qaranimadii soo noqotay, ayaad moodaa rag badan oo Maxamed Xaashi ka mid yahay in tacabkaas ee ummadan soo gashay inay burburiyaan, mar walba xukuumadda ha dhaliilo, waa la dhaliili karaa xukuumaddu dhalliil way yeelan kartaa, inkastoo aanay dhalliilba lahayn, haddana wixii dhaliil xukuumadu leedahay waa loo sheegi karaa, laakiin waxa masiibo ah oo layaab ah mar walba Maxamed Xaashi Cilmi ereyo aan laaqi ahayn oo qarankan iyo karaamadda ummadda iyo hoggaankii ummadan ay soo dooratay, shacabka Somaliland lama khasbin, shacabka Somaliland isaga oo caqligiisa iyo maankiisa qaba ayuu ku soo doortay Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuu oggaa Maxamed Xaashi, isagu marbuu doorasho isa soo taagoo, dee labuu helay cod, Siilaanyana codka Somaliland ee uu helay waa la ogyahay, maalinbaa haddaba ummadu shacabka Somaliland in waxyaabo aan munaasib ku ahayn oo dadku ay is waydiinayaan oo ay odhanayaan waar sowkii ninku ninka weyn ahaa oo ninka maxaa ku dhacay oo ninku maa inta uu xilka hayo uunbuu muxaafid yahay,

Ereyo noocaas ah ayaa runtii dadka ka imanaya, waa xaqiiq weeye, Maxamed Xaashi Cilmi waxaanu leenahay, shalaybaa intay carruur ku soo kaxaysay, nin ganacsade ah oo muwaadin ah oo waliba muwaadiniinta Somaliland ah oo ka u waxtar badana oo la dhaleecaynayey oo la caayayeybaad sacabka u tummaysay, adigoo halka lagaa filayey iyo is dhigtay runtii ay wax weyn u dhexeeyaan, waxaan xusuustaa Maxamed Xaashi Cilmi, marbaa aniga iyo ninka la yidhaa Sayidbaa uu noo yeedhay markuu Wasiirka Maaliyadda ahaa, kadibna waanu u tagnoo waxaanu ku nidhi, waar ninyow anagu mucaaridnimadii ayaanu ku fiicnayn ee muxaafidnimadan la garan mayno, fadhiistabuu yidhi xafiiskiisii, wuxuu yidhi i dhagaysta maanta, dawlad ka wacan dawladaa maanta aynu hayno oo Somaliland dib u soo maraysa oo Somaliland hore u soo martay umana malaynayo buu yidhi dawlad dawladdan ka wacan inay Somaliland dib u soo mari doonto, xafiiskiisuu nagu yidhi, Maxamed Xaashi Cilmibaa xilkii laga qaadoo  mar dambaanu is aragnoo wuxuu igu yidhi, Dhuxuloow wali maad la joogtaa, waxaan ku idhi Maxamed Xaashoow ninkii sidaas na yidhi maanad ahayn ee lahaa dawladdan dawlad ka wacan ma jirto, mid ka wacana Somaliland ma soo mari doonto , adigu miyaanad nagu odhan, miyaanad nagula tallin taas, tiibaanu haysanaa oo aanu ku adag nahay, wuxuu yidhi haayee sawtii i eriday, waxaan ku idhi oo ma adigay kuu qiyaasnayd markaa, wanaageeda iyo xummaanteedu ma aduu kugu qiyaasnaa, waxaan leeyahay Maxamed Xaashi Cilmi oo saaka jariidadaha ku qoray, wuxuu yidhi waxa jira buu yidhi Ra’iisal Wasaare aan muuqan, dalkeenu qaabka uu leeyahay iyo dastuurkiisu u caddeeyey, waxaan leeyahay Ra’iisal Wasaare iyo meel kuu jiro iyo meel uu leeyahayba ma jiro, waxa kaluu yidhi, Madaxweynuhu wuxuu lummiyey buu yidhi sharaftiisii iyo tii SNM, Madaxweynuhu sharaftiisii, tii dalka Somaliland iyo tii SNM-ba korbuu u qaadee,

Waxa lummiyey ka maalin walba ummadda cay la dhex fadhiya, waa tacabkaagii Maxamed Xaashiyow waxaanu kaa haynaa, waa tacabkaagii waxa lagaa dardaarayaa ee lagu leeyahay waar daa, waar daa, Siilaanyo waa hoggaamiye ummadan ay soo dooratay wixii ay ka filayeen u qabtay, wax ka badan u qabtay, intijaah iyo sharaf weyn Somaliland u soo hooyey weeye, qiimuu ku leeyahay, sharaf buu ku leeyahay, ilaa markuu halganka hoggaaminayey sharafbuu ku lahaa, ilaa markuu hoggaamiyihii mucaaridka ahaa sharafbuu ku lahaa, maantuu Madaxweyne yahay dadkiisa iyo dalkiisuba sharaf ayey ugu hayaan, waxqabad muuqda oo muddo saddex sannadood ah ama afar sannadood ah lagu qabteen, ayuu Madaxweyne Siilaanyo qabtay, inaad ku hambalyeysay ahayd, hadduu xataa xilka kuu garan waayey inaad ku hambalyeysay ahayd inaad ku barbar istaagtay ahayd, waayo inaad u qaratay ahayd inuu waxan yahay tacabkii wixii kaa soo galay uu yahay, Siilaanyo kuu dhisayaa uu  ku hoggaaminayaa ummaddana waa tacabkii iyo dhismihiisa ka aad adigu burburinayso, mar walba ummadda Somaliland si nasteex ah oo wanaagsan ayey idiinla hadlayaan si qiimo leh ayey idiinla hadlayaan oo ay leeyihiin waar daaya tacabkiina, waad soo halganteen ee tacabkiina ummadda u daaya

, Ummadan wixii aad soo qabateen ayey hayaan, qiime farabadan ayey idiinku hayaan, tacabkiinaanu idinka haynaaye daaya ayaanu idin leenahay. dhammaantiin dalkan maanta meel wacanbuu marayaa, meesha uu gaadhay xataa xuduudaha uu gaadhay waad ogaydeen oo wafti balaadhan oo culus oo Wasiiro door ah oo Xukuumadda ka tirsan ay hoggaaminayaan ayaa gaadhay Taleex iyo deegaanadaas, dadkaas waxqabadbay u baahan yihiin, dadkaas taageero ayey u baahan yihiin, horumarbay u baahan yihiin, waxbarashay u baahan yihiin, dadkaas caafimaadbay u baahan yihiin, Xukuumadu intiibay wadaa, inay caafimaad helaan inay helaan biyo nadiif ah in ay iskuulo helaan weeye ta ay xukuumadu halkaas u tagayaan, ma aha mid dagaal ah, ma aha mid kharbudaad iyo dadka halkaa dhibaato loo geysto, qofwalba oo shacabka Somaliland ka mid ah meel kasta oo uu joogo Xukuumadan waxay ogtahay oo ay masuuliyad iska saaraysaa in xil ka saaran yahay siday dadka wax ugu qaban lahayd,

Isagoo arimahaa kahadlayana wuxu yidhi,ma aha kolba Maxamed Xaashi afarta qof ee kolba dan leh inay Maxamed Xaashi soo kaxaystaan oo ay yidhaahdaan kaalay Maxamedoow noo hadal oo isna sacabka ka tummo marka la caayayo ganacsato sharaf leh oo dadka ku sharaf leh oo waliba waxtar badan leh oo waliba hormood ah mara la caayayo ee dad wax magarato ah caayayaan, Maxamed Xaashi kii sacabka u tummayeybuu ahaa, Maxamed Xaashi waa ka soo qaatay shaadhka qabiilka maanta ee Subeer-Awaleey meelahaa la wareegaya, Subeer-Awal wuxuu wax ku noqonayaa Somaliland waxay wax ku noqotaybuu wax ku noqonayaa, cid gaar ah oo Somaliland leh ma jirto, Somaliland wadajirkeenu wax ku noqonayaa, Somaliland waxay wax ku noqonaysaa wadajirka shacabka Somaliland meel kastoo ay joogaanbay wax ku noqonaysaa, yaa reer hebelaay wax ku noqon mayso, yaa reer hebelaay halkan kumaynu soo gaadhin, labaatan sanno kahor baynu ka soo gudubnay, dalku system iyo dumuqraadiyadbuu dhigtay, taasaa qofkii dabcan uu ku imanayaa, taasaa cidii wax doonaysaa ku imanaysaa, ma jirto mid amba dad ama shacab himilo ay dhigteen ku burburin karaya yaa reer hebelaay, tii laga filayey Maxamed Xaashi iyo qayrkii toona ma aha, laakiin inuu maalin walba halkan la soo fadhiisto cay isagay nusqaan ku tahay isagayna u wanaagsanayn, waanu ka xunahay siduu sharaftiisa u maax-dumminayo ayaanu aad uga xunahay runtii. Waxaan jeclahay inaan ku soo gebagebeeyo, shalay iyo maalmahan waxa warbaahinta kala duwan i soo waydiinaysay maxaa loogu martiqaadi waayey munaasibadii qaran ee 26-ka Juun Xisbiyadda kala duwan ee qaranka, KULMIYE, WADANI iyo UCID, waxaan halkan ka caddaynayaa xisbi walba waraaqihii infitayshanska ee aanu ugu tallogalnay dadkaas ama masuuliyiintaas xafladda munaasibada inay ka soo qaybgalaan qolo walba halkooda ayaanu ugu geynay, xisbi aanan u geyn infitayshanskaas ma jiro inay yimaadaan iyo in aanay iman waa wax iyaga u yaala,

laakiin Madaxtooyada way u dirtay mid walba masuuliyiintooda ayaa gacanta laga saaray.” ayuu hadalkiisii Af-hayeenku ku soo gunaanaday.

COMMENTS
LINKS