|
|||||
WAJAALE NEWS
Afartan Qof oo ku dhaawacmay dab saaka ka kacay Kaalin Shidaal oo Ku Taal Magaalada Laascaanood
June 2, 2014 - Written by Editor:Lascanood(Wajaalenews);Dad gaadhaya Afartameeyo ruux ayaa manta dhaawacyo kala duwani soo gaadheen kaddib markii uu saaka dab-qabsady kaalin shidaal oo ku taalla badhtamaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dabkan ayaa waxa sobabay foosto uu shidaal ku jiray oo naqasku ku xidhmay sida uu warbaahinta u sheegay, Cabdi Cali Xirsi (Cabdi Bafle) oo ay isku dhow yihiin ganacsadaha kaalintaas shidaal lahaa. Kumannaan dadweyne ah ayaa isugu yimid goobtaas intii dabkaani uu socday, kuwaas isku dayayay inay baqtiiyaan taasoo sababtay inay dad badani ku dhaawacmeen sida uu sheegay, C/rshiid Caydiid Dirir oo ah suxufi madax-bannaan, isla markaana daris la ah kaalinka gubtay. C/rashiid wuxuu intaas ku daray in khasaare uu soo gaadhay dadka dariska la ahaa kaalinka, kaddib markii ay ka beqeen inuu dabku soo gaaro guryaha ay ku nool yihiin iyagoo ka barakacay. Sidoo kale, Dr. Axmed Caddaani oo rug caafimaad ku leh goobta aan ka fogeyn halka dabkani ka kacay ayaa sheegay in 40 ruux lagu daaweeyay goobtiisa oo saddex ka mid ahi dhaawacyadoodu culus yihiin; waxaana uu intaas ku daray in ay u badnaayeen gurmad. Guddoomiyaha guddiga ganacsatada gobolka Sool, Cabdirisaaq Axmed Warsame (Dhabayaco) ayaa isna sheegay in sababta ugu badan ee qasaarahan keenatay ay tahay dab-damis la’aan, isagoo ganacsatada ugu baaqay inay hawshaas u kacaan. C/risaaq wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay sidii mar kale loo gacan qaban lahaa ganacsadaha dhibaatadani ku dhacday, isagoo baaq u soo jeediyay shacabka inay kala qayb-qaataan sidii loogu soo celin lahaa hantidii ka luntay. Dabkan ayaa ah kii ugu weynaa ee soo gaadha muddo ka badan labaatan sano goob ganacsi oo ku taalla magaalada Laascaanood, iyadoo aysan jirin wax dab-damis ah oo looga hortegi karo musiibooyinka noocan oo kale ah.
WAJAALENEWS DESK LASCANOOD OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|