Xuska Maalinta Qaran Ee 18May Si Heer Qaran Ah Waxaa Looga Xusi Doonaa Xarunta Gobolka Cayn Ee Buuhoodle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xuska Maalinta Qaran Ee 18May Si Heer Qaran Ah Waxaa Looga Xusi Doonaa Xarunta Gobolka Cayn Ee Buuhoodle
May 8, 2014 - Written by Editor:

BURCO(WAJAALENEWS);Xuska Maalinta Qaran Ee 18May Si Heer Qaran Ah Waxaa Looga Xusi Doonaa Xarunta Gobolka Cayn Ee Buuhoodle

 

Wararka Naga Soo Gaadhay Magaalda Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn oo uu Ku Sugan yahay Wasiirka wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Xagla Toosiye  ayaa waxa ay sheegayaan inuu kulamo kala duwan layeeshay waxgaradka cuqaasha salaadiinta iyo qaybaha kala duwan ee dadwaynaha ku dhaqan deegaankaasi.

Waxaa la sheegay inay isla la qaateen inay ka shaqeeyaan nabada iyo horu marinta deegaanka oo ka hadhay dalka intiisa kale ayadoona ay xukuumada Somaliland goobtaasi gaadhsiisay gaadhi anbalaas ah kaas oo uu wasiirku ugu talo galay cusbitaalka buuhoodle.

Kulamadaasi kala duwan ee uu wasiirku la yeeshay masuuliyiiinta iyo waxgaradka reer buuhoodle ayaa waxa ay ahaayeen ku kusoo dhamaaday is afgarad iyo in laga guuro Guriga Abaarsaday(Putland Iyo wixii La Mid ah isla Markaana La  dego (Degelka Nabada)Waa Somaliland ee .

Hadaba Mar Hadii Uu Wasiir Xaglo Toosiye tegay Buuhoodle isla Markaana Lagu Soo Dhaweeyey gaco Furan waxaa Halkaasi Ka Cad Ama Laga Dhadhan san Karaa In Maalinta Qaranimada Somaliland Ee 18May Laga xusi Doono Degaankaasi Buuhoodle taas Oo Sananadadii Hore Looga Yaqaanay Deegaankaasi Maalinta Nadaafada Khaatumo.

Gobolada Bari ee Somaliland Waxaa Haatan Ay yihiin Kuwo Kasoo tabanaaya Wax Qabad la,aantii Haysatay Moodin Dheer waxaana Ay la Jaanqaadeen waxqabadka xukuumada Axmed Siilaanyo Taas Ilaa Wadada Ceeri Gaabo La Rabo In Wakhtiyadan SOo Socda Laga DHigo Mid Laami Ah.

Waxaa Intaasi Dheer Deegaanka Uu Xukumo buuhoodle oo wakhtiyadan Soo Socda La rabo In Laga Hir galiyo xarumo Caafimaad iskuulo Iyo wadooyin Hor Leh oo Inta Xukuumadni Jirto Ay Rabto Ianay Ka Hir Galiso deegaanadaasi.

Isku Soo wada Duub oo Maalinta Qaran ee 18may Hadii Laga Xuso Buhoodle waxa ay noqondoonta maalin ka wayn maalmihii kale.

 

 

 

Burco Somaliland

COMMENTS
LINKS