XUKUNADA DILKA AH IYO FULIN LA’AANTOODA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XUKUNADA DILKA AH IYO FULIN LA’AANTOODA
May 4, 2014 - Written by Editor:

Marka hore waxan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland, intaas ka ka dib waxaan wax yar oo kooban ka odhanayaa maxkamadahan Somaliland ee marwalba xukumaya xukunada dilka ah ee aan hadana fulayn.

Waxaa wax lala yaabo ah in maalin walba maxkamadaha dalku xukumaan gacanku dhiiglaal dhagar qabayaal ah ku waas oo lagu xukumo xukuno dil ah, xukunadaas dilka ahina aanay fulin haba yaraatee, hadaba wax is waydiin leh, hadaan dadkan kuxunka ku dhacay lagu riday maxay maxkamadaha Somaliland ugu xukumayaan xukun dil ah, waayo maanta jeelasheena waxa ka buuxa boqolaal gacan ku dhiigle oo dhamaantood dil ku xukuma, markaa waxaa loo baahan yahay in qofka xukunku ku dhacay lagu fuliyo sida ugu dhakhsaha badan ee aanu iskaga raaxaysan jeelasha, maxa yeelay gacanku dhiiglihi ayaa layskaga haynayaa jeelka ilaa inta uu dar ilaahay ugu dhimanayo, taasina waa ta keenaysa aanooyinka iyo dilal foosha xun ee lagula kaco qof aan waxba galabsan.

 

Waxaan ku boorinayaa dhamaan cidii ay khusayso gaar ahaan xukuumada Somaliland siiba madaxwaynaha Somaliland inuu amar ku bixiyo in cidii xukun ku dhacay xukunkaa lagu fuliyo.

Sida aad la wada socotaan shalay waxa maxkamada gobolka ee maroodi jeex xukun dil ah ku rogtay afar qof oo ka danbeeyey dilkii foosha xumaa ee lagula kacay alla ha u naxariisto e Marwo Ruqiya, afartaas dilka lagu xukumay oo ah hooyo iyo sadex caruura oo ay dhashay, xukunkaas dhacay kama duwana xukunadii hore ee dadka kaleba ku dhici jiray ee jeelasha ka buuxa iminka, markaa xukuuumadu waa in ay fulisaa waajibkaa xaga ilaahay laga waajibiyay ee ah qisaasta taas oo in la dilo cidii dil badheedha gaysata een aan layska hayn ilaa inta si uun wax noqonayaan.

Waxaan u soo jeedinayaa inay laamaha amaanka ama cadaadaladu ay u soo jeediyaan xukuumada in layska daayo ku xukumida dilka ama waajibkiisa la fuliyo, tan iyo maalintii xukuumada kulmiye qabsatay hogaanka dalka Somaliland hal qof oo qisaas loo dilay ma jirto, halka taa bedelkeeda dad badan oo laayay aano qabiil taas oo runtii ah wax aad u fool xun oo aan ku haboonayn dhaqanka islaamka I yo kan bili aadankaba.

Qof la qisaaso waxa ugu danyeeyey xiligiii madaxwayne daahir riyaale kaahin, xiligaas oo ay hoos u dhacday ama yaraatay aanooyinkan iminka aad moodo inay caadiga yihiin, oo xukuumadu aaany muraad ka lahayn waayo hadii ay siyaasad ka leedahay waxa la fulin lahaa qisaasta ku dhacday gacan ku dhiiglayaasha.

Waxan ku talinayaa hadaynaan dhexdeena isku xukumin cadaalad iyo kala danbayn waxba inoo socon maayaan, waayo maanta jeelasheena waxa buux dhaafiyay gacan ku dhiiglayaal dilay dad aan waxba galabsan, taasina waa ta keentay maanta waxan aynu ka cabanayno ee ah abaaraha iyo sixir bararka, waayo waxaynu diiday oo aynu is hortaagnay amar ilaahay ina faray oo ah qofkii wax dila haloo dilo.

 

 

 

 

 

Allaa Mahad Leh

Waad  Mahadsantihiin

By: Mohamed Hamud Ali

Burao – Somaliland

COMMENTS
LINKS