Xoghayaha Maaliyad Xisbiga UCID Marwo Faadumo Siciid Iyo Wafti ay Hor Kacayso Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Stockholm Ee Cariga Sweden‏ | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Maaliyad Xisbiga UCID Marwo Faadumo Siciid Iyo Wafti ay Hor Kacayso Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Stockholm Ee Cariga Sweden‏
May 16, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS);Xoghayaha Maaliyada  Xisbiga Ucid Marwo Faadumo Siciid Iyo Wafti ay Hogaaminayso oo ka socda garabka haweenka xisbiga UCID Laanta Finland  ayaa  soo gadhay Caasimada Wadanka Sweden ee Stocholm. Iyaga oo ka soo kicitimay wadanka Finland.

Waftiga  ayaa waxa si diiran u soo dhaweyey Tageerayasha xisbiga UCID ee dalka  Sweden oo ay hor  kacayaan Guddoomiya Sweden Dr Ibrahim Cali Kirix, Godomiyaha Garabka Haweenka Ee Sweden Sainab Gabas Guddoomiyaha STockholm Sitiin Muun Rooble Iyo Xoghayaha Xisbiga UCID eeWadanka Sweden Faysal Cadami iyo xubno iyo taageerayaal kale oo fara badan 

Xoghayaha maaliyadayada Xisbiga UCID Marwo Faadumo Saciid waxaa Socdaalka ku wehalinayey  Guddoomiyaha Haweenka Ee Finland Samia Omar Hagi Muse , iyo Gudomiyha  Protokolka  Garabka Haweenka Ifrax Maxamed Cisman  ee xisbiga UCID .

Waftigan ayaa inta ay joogaan wadanka Sweden waxa ay la kulmi doonaan wasaarada caddaalada iyo wasaarada arimaha dibadda iyo xubno ka tirsan baalamaanka dalka Sweden. Waxa kale oo ay si gaara u la kulmi doonaan xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UCID iyo jaaliyada Somalilanad ee wadanka  Sweden iyaga oo kala qayb qaadan doona Xuska  Iyo dabaal-dega Maalinta Gooni Isu Taaga Qarannimada Somaliland ee !8 may. bild 1 (3)

COMMENTS
LINKS