|
|||||
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Dalka Maraykanka Oo Soo Gaadhay Dalka Itoobiya
May 1, 2014 - Written by Editor:Adis Ababa(Wajaalenews.Net)Xoghayaha Arrimaha Dibada Ee Maraykanka John Kerry Ayaa Xalay Soo Gaaray Magaalada Addis Ababa Ee Caasimada Itoobiya, Halkaasi Oo Uu Kula Kulmi Doono Wasiirada Arrimaha Dibada Ee Dalalka Itoobiya, Ugandha Iyo Kenya. Kulamadan Ayaa Looga Hadli Doonaa Xaalada Dagaalada Ka Socda Wadanka Sudaanta Koonfureed Sidii Loo Xakameyn Lahaa. John Kerry Ayaa Booqasho Ku Maraya Dalal Kamid Ah Qaarada Afrika Waxaana Lagu Wadaa Inuu Sidoo Kale La Kulmo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, Waxaana Jira Warar Sheegaya In Kerry Laga Yaabo Inuu Booqdo Magaalada Muqdisho. Kerry Iyo Xassan Shiikh Ayaa Lagu Wadaa Inay Ka Wadahadlaan Dadaalada Looga Soo Horjeeda Kooxda Al Shabaab Oo Ay Dowlada Maraykanka Gacanta Kasiiso Xukuumada Soomaaliya Iyo Ciidamada AMISOM. Kerry Ayaa Sidoo Kale Madaxda Midowga Afrika Kala Hadli Doona Xiisada Iyo Colaada Ka Jirta Wadanka Afrikada Dhexe. Safarkan Ayaa Ah Mid Lagu Dhiiri Gelinayo Mashaariicda Horumarinta, Xasiloonida Iyo Waliba Horumarka Qaarada Ka Jira Ayaa Lagu Yiri Warbixin Kasoo Baxday Xafiiska John Kerry.
Wajaalenews.net Hargeisa/office Related posts:Ciidamada Booliiska S/land Iyo kuwa Ajaanib Ah Oo Xalay Labaatan Hablood Oo Qurba-Jooga Ah Kala ba... Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid Oo Ku Soo Baxay Booskii Xildhibaanimo Ee Uu Ka Dhintay Ibaahim Axmed Ha... Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Golaha Amaanka Kaga Hadlay Iscasilaadii Wasiirada Tirada Badn... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|