Xog-ururin: Waxyaabaha Dadku Jecelyihiin in Saynisyahannadu Diyaariyaan 100 Sanno ee soo Socda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xog-ururin: Waxyaabaha Dadku Jecelyihiin in Saynisyahannadu Diyaariyaan 100 Sanno ee soo Socda
May 30, 2014 - Written by Wariye:

Daraasadan oo ciwaan looga dhigay riyooyinka ugu sareeya mustaqabla (Top Dreams for the future), waxa sidoo kale lagu xusay in dadku xiisaynayaan in 100 ka sanno ee soo socda la helo baabuur iskii isku wada

Xog ururin koox khubaro ah diyaariyeen,  ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha ama allaabta dadweynaha  dunidu jecelyihiin in suuqyada la soo geliyo 100 ka sanno ee soo socda haddii Ilaahay yidhaah,  iyadoo sidoo kale la iftiimiyey alaabta xiisaha leh ee la diyaariyey 100 kii sanno ee la soo dhaafay.

Sida lagu faafiyey qaybta sayniska ee wargeyska Dailymail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, khubarada daraasadan diyaariyey, waxay ogaadeen in dadweynaha dunidu jecelyihiin in  saynisyahannadu mustaqbalka soo saaraan kiniin qudha oo lagu dawayn karo dhammaan cudarada  dadka ku dhaca, si looga raysto dawooyinka iyo kiniinka kala duwan ee cudur ama xannuun kasta u gaarka ah.

Waxyaabaha xiisaha leh ee sidoo kale dadweynuhu jeclaan lahaayeen in 100 ka sanno ee soo socda

la soo saaro, waxa ka mid ah dhar aan jactadin oo xilli kasta la isticmaali karo si looga maarmo kaawiyadda dharka, isla markaana saacadaha lagu lumiyo dhar kaawiyadaynta si kale looga faa’iidaysto.

Daraasadan  oo ciwaan looga dhigay riyooyinka ugu sareeya mustaqabla (Top Dreams for the future), waxa  sidoo kale lagu xusay in dadku xiisaynayaan in 100 ka sanno ee soo socda la helo baabuur iskii isku wada, isna haga si looga maarmo tamarta bani’aadamka kaga lunta wadista gaadiidka, inkastoo xilliganba arrintaas la tijaabiyey, gacantana lagu hayo gaadiid iskood isku wada, waxa kale oo dadweynaha, gaar ahaan dumarku aad u jecel yihiin in saynisyahannadu mustaqbalka soo saaraan mishiin ama  aalad qabata shaqada guryaha,  sida masaxaadda, nadiifinta, weel-xallista, dhar laalaabista iyo shaqooyinka guryaha ee inta badan dumarku qabtaan.

Dadka qaar ayaa sidoo kale doonaya inay mustaqbalka helaan wax lagu daweeyo bidaarta oo bulshada qaar dhibsadaan.

Dhinaca kale, sida daraasada lagu xusay, waxyaabaha  dadweynuhu u arkaan inay ugu muhiimsan yihiin alaabta qarnigii tagay  ama 100 kii sanno ee la soo dhaafay la ikhtiraacay, waxa ugu horeeya internet-ka iyo email-ka,  telefishannada, telefoonnada gacanta, qalabka qalliinka iyo adeegyada tignoolojiyada casriga ah oo dhan, kuwaasoo loo arko inay yihiin waxyaabaha guulaystay ee qarnigii tagay la soo saaray.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS