Xisbiga Ucid Oo Faah-faahiyay Kulankii Ay La Yeesheen Odayaal Ka Socda Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Somaliya Oo Jooga Caasimada Somaliland Ee Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Ucid Oo Faah-faahiyay Kulankii Ay La Yeesheen Odayaal Ka Socda Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Somaliya Oo Jooga Caasimada Somaliland Ee Hargaysa.
May 11, 2014 - Written by Wariye:

Waxa aanu ogaanay in aanay ahayn Madax Dhaqameed Kaliya ee ay isugu jiraan Siyaasiyiin hore, Saraakiil, Aqoonyahan, Ganacsato iyo Madax Dhaqameed.

War-saxaafadeed

Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Waxa uu maanta oo ay Taariikhdu tahay 11/05/2014 kulan ay ku yeesheen Xarunta Dhexe ee Xisbiga UCID Guddida Fullinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe waxa ay soo saareen war-saxafadeedkan ku saabsan Kulankii aanu la yeelanay  Odayaasha Ka Socday Wadanka aynu Jaarka nahay ee Soomaaliya, waxaanu ku caddaynayaa war-saxaafadeedkan wixii ka soo dhex baxay la kulankaa, waxaanu bulshada reer Somaliland u soo bandhigayaa dood dheer iyo fallanqayn ka dib waxaanu bulshada reer somalind u sheegaynaa  soo dhex qodobadan hoos ku qoran:

1.       Sida ay noo sheegeen Odayaashu u jeeddada socdaalkoodu wuxuu daarnaa oo ay ku sheegeen fadhigii aanu la yeelanay inay u socdeen is dhex gal bulsheed.

•        Waxaanu u aragnay qodobkaa ka Xisbi ahaan

in iyadoo bulshadu awal ba isku dhex jirtay oo aanay kala maqnayn una macaamisho sida laba dawladood oo jaar ah, in uu yahay qodobkani mid siyaasadaysan oo daba socda Qodobadii Heshiiska Turkiga, kaas oo ka hor imanaya Qaddiyada iyo rabitaanka shacbiga reer Somaliland.

2.       Odayaashu waxay noo sheegeen in ay yihiin Madax dhaqameed Soomaaliya oo dhan ka Kooban una socdaan arin dhaqan.

•        Waxa aanu  ogaanay  in aanay ahayn Madax Dhaqameed Kaliya ee ay isugu jiraan Siyaasiyiin hore, Saraakiil, Aqoonyahan, Ganacsato iyo Madax Dhaqameed.

•        Waxa kale oo aanu ogaanay in uu jiro Qorshe u gaar ah oo qarsoon,

 

3.       Waxa intaa dheer oo ay Odayaashu noo sheegeen in ay u socdaan in ay wax ka bartaan Habkii Nabadaynta Somaliland  ay Ku gaadhay iyo qaabkii ay ugu hirgashay dib u dhiska Dawladnimada Somaliland , doonayaana in ay Somaliland gacan ka gaysato Nabadaynta Dalka Soomaaliya.

•        Waxa aanu ku xidhnay shuruud ah in ay marka hore qiraan xasuuqii iyo tacadigii loo gaystay shacbiga reer Somaliland, is la markaana ay qiraan Aqoonsadaan, Icitriaafaanna Madax Banaanida, jirritaanka iyo Qaranimada Somaliland ixtiraamaana gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland.

4.       Waxa ay noo sheegeen Odayaashu in ay Iskood isu Xilqaameen, Isku soo Abaabuleen Cid ka dambaysaana aanay jirin Safarkooda.

•        Xisbiga UCID waxa uu  ogaaday in  Xukuumada Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, ka dambaysay ambabaxooda iyo Safarkooda ay Ku Yimaadeen Somaliland, Xukuumada Turkiguna ay Gacan wayn Ku leedahay.

 

Soo jeedin:

Xisbiga Caddalada iyo Daryeelka UCID, waxa uu umadda reer Somaliland u soo jeedinayaa markii uu arkay waxa ay la socdeen Odayaasha ka yimi Soomaaliya qodobadan soo socda:

1.       In Xukuumadda Somaliland ay caddayso mawqifkeeda dhabta ah ee ku wajahan imaatinka Odayaasha ka yimi Soomaaliya,

2.       In aan umadda iyo shicibka reer Somaliland lagu jahwareerin Mashruuc khatar galin kara, laguna majarahabaabinayo jirritaanka Qaddiyada iyo Madaxbanaanida Somaliland.

3.       Waxa aanu cod gaaban iyo cod dheer ba ku sheegaynaa in Qaddiyada Somaliland ay tahay lama taabtaan is la markaana ay tahay Qadiyad Shacbi.

4.       In wada haddaladii Somaliland iyo somaliya u dhexeeyay  aan loo badalin is dhex gal shacbi oo siyaasadaysan, oo ay ku ekaato labada Dawladood.

5.       Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, waxa uu caddaynayaa in uu ka soo horjeedo wax wal oo lidi ku ah Qaranimada, Midnimada iyo Jirritaanka Somaliland.

6.       Xisbiga UCID waxa uu soo jeedinayaa in la joojiyo Kulamada ay La yeelanayaan Odayaashu Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Somaliland.

Wa Billaahi Tawfiiq

Ku Simaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga ahna  

 Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID

 Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax):

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahaman Habane

COMMENTS
LINKS