Xisbiga Madaxweyne Jacob Zuma oo ku guulaystay Doorashadii South Afrika | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Madaxweyne Jacob Zuma oo ku guulaystay Doorashadii South Afrika
May 11, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS;Guddiga doorashooyinka dalka Koonfurta Afrika ayaa ku dhawaaqay  natiijada  doorashadii dhacday ,waxaana  ku guulaystay xisbiga talada haya ee ANC oo helay codad dhan 62.15% ,halka xisbiga ku soo xiga ee Democratic Allience uu helay 22.23%.

Xisbiga sedexaad ee The Economic Freedom Fighters(EFF) ayaa isna helay 6.35% codadkii laga qaaday 22,000 oo degmo oo ku yaalla Koonfur Afrika, waxaan 5% ay ku korortay dhinaca codadka  xisbiga labaad marka loo eego doorashadii dhacday sanadkii 2009-ka

Doorashadan ayaa ka dhigan in ANC ay kuraasta baralamaanka dalkaas ka heleen 249 kursi halka xisbiga Democratic uu helay 89-kursi ,iyadoo inta soo hartayna ay si siman u qaybasadeen xisbiyada kale ee ka jira dalka oo uu ku jiro EFF.

Waxaa codadka dhiibtay inta badan dadka u dhashay dalkaas oo gaaraya 25 Milyan ruux oo ay ku jiraan kuwa caddaanka ah ee dalkaas mudada soo maamulayay,iyadoo xisbiga ANC 53% uu codadkiisa  ka helay gobolka Gauteng oo ah xarunta dhaqaalaha dalkaas.

“Sida aan rajaynayna waxaan laba jibaarri doonnaa waxqabadkeena xagga bulshada gaar ahaan anagoo abuuri doonna fursado dhaqaale oo dalka u sahli in uu waxyaabo badan ka gudbo “ayuu yiri madaxweyne Jacob Zuma oo ka hadlayay guusha ay ka gaareen doorashada.

Xisbiga ANC waxaa horey u hogaamin jiray Nelson Mandela oo sanadki hore geeriyooday ,waxaana madaxweynaha hadda talada haya loo haystaa eedaymo ay kamid yihiin laynta boqolaal ruux oo shaqa la’aan ka cabanayay iyo in lacag gaaraysa 20 Milayn oo dollar  lagu qarash gareeyay guri uu gaar u leeyahay oo ku yaalla Koonfurta Afrika

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS