XildhibaanTimacade Oo Katirsan Golaha Deegaanka Hargeisa Ayaa Si badheedha Baskoolad ugu Weeraray Nin Shicib AH | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XildhibaanTimacade Oo Katirsan Golaha Deegaanka Hargeisa Ayaa Si badheedha Baskoolad ugu Weeraray Nin Shicib AH
May 13, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka caasimada hargeisa ayaa si badheedha weerar hubaysan ku qaaday nin shiciba kaasi oo dhisayay kaalin kutaala bariga hargeisa, ninkan weerarka lagusoo qaday oo lagu magacaabo axmed daahir(ud) islamrkaana ah engka dhisayay kaalinta ayaa kawaramay xaalada sida ay u dhacday wuxuuna noo sheegay xildhibaan timacade uu ugu yimid dhismaha ay wadeen kuna bilaabay dumin iyo baabin uu gacantiisa ku fulinayo, isagoon waxba waydiin dadkii meesha waday, xildhibaan timacade ayaa kasoo baxay xusbiga wadani islamrkaana ay isku dhowyihiin xildhibaanki hore ee wax dilay xiligan ayaan la ogayn in xaladiisu caadi ahayd

hadaba axmed daahir oo arintaa kahadlayaa wuxu yidhi ninkan xildhibaanka oo gaadhi wata ayaa noogu yimid kaalin dhismheedu mudo socday isagoon waxba nawaydiin ayuu bilaabay inuu dhismihii dumiyo markaa waxan wadnay kaalinta oo an barande usamaynaynay isagoo xagantiisa ku duminaya ayaan kusoo dhaqaaqay waxaan ku idhi maxaa dhacay wuxuuna iigu jawaabay (cay iyo baskoolad uu igu qabtay dhafoorka) wuu igu riday waygu katabtay hadana marlabaad ayay igu katabtay ninkale oo isna kamid ahaa shaqaalaha ayuu ku qabtay isna sidii oo kale ayay ugu katabtay shaqaalihii iyo aniguba wax talaaba ah maanu qaadin waxa gadhiga kazoo degay nin lasocday markaasi ayay gaadhigii kaxaysteen

Sidaasi ayay nagaga tageen

Xildhibaanada dawlada hoose ee hargeisa ayaa waxaa lagu sheegaa in ayna inta badan caadi ahayn dhawaabayna ahayd markii xildhibaan kamid ihi dil toogasha ah ku dilay qof rayida,

Xukuumada dhexe ayaan marnaba hoos u eegin caafimaad qabka xildhibaanada iyo waxyaalaha ay ku kacaan arinta ayaa hadii ay siisocoto waxay keenidoontaa in shicibkuna iska difaacaan waxyeelada xildhibaanadii loo doortay inay bulshada u shaqeeyaan

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS