Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo Guul Taariikhi ah ku tilmaamay Booqashada Buhoodle ee Wasiir Xaglotoosiye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo Guul Taariikhi ah ku tilmaamay Booqashada Buhoodle ee Wasiir Xaglotoosiye.
May 15, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa Wasiirka Caafimadka Md.Saleeban Ciise (Xaglatoosiye) ku Aamanay Socdaalka uu ku tegey Magaalada Buuhoodle oo uu wasiirku ka soo jeedo, waxayna sheegen in talaabadasi tahay mid hore loo qaaday oo Guul u ah Qaranka somaliland, warsaxaafadeedkan ayaa waxa uu naga soo gaadhay Xildhibaan  Siciid Maxamed Cilmi, Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi waxaanu u dhigna sidan.

WARSAXAAFEDEED  Ugu horrayn mahad dhammaanteed Eebaa leh.  Annagoo ah labada xildhibaan ee hoos ku saxiixan waxaanu halkan hambalyo iyo mahadnaq uga soo jeedinaynaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka JSL Mudane  Dr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar [Xaglatoosiye] oo qaaday tallaabo geesinimo oo uu dhankiisa kaga dhabeeyey ujaanqaadka heshiiskii ay wada galeen isaga oo ka wakiil ah bulshoweynta SSC iyo Xukuumadda JSL.  Mudane Dr. Saleebaan Xaglatoosiye wuxuu dadweynaha Somaliland iyo Qarankaba u muujiyey sida aanu deyr ugu oodnayn in dalka la isu furo, maamulka la fidiyo  ummaddana la walaaleeyo.  Dhaqaaqiisani wuxuu astaan u yahay haddii la helo siyaasiyiin dhab ahaan ka daacad ah dib u heshiisiinta iyo maamul-fidinta inay suuragal tahay in qarankeenu si buuxda u wada hanto xuduudihii dalka iyadoon la gelin, ama la koobay, khasaaraha dhici kara.  Waxaa taariikhda gashay inay tahay markii ugu horreysey ee wasiir u dhashay degaankaasi dib ugu soo noqdo si uu ugu yagleelo waxqabad toos ah oo kor loogu qaadayo adeegyada bulshada ee degaanka Buuhoodle.  Mudane Saleebaan Xaglotoosiye waxaanu leenahay waanu kugu garab taaganahay wax qabadkaas iyo geesinidaas waxaanuna kuu ballanqaadaynaa inaanu kugu taageerno tallaabadaa aad qaaday.

Dhanka kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud iyo Xukuumadda waxaanu leenahay, inkastoo ay tahay waajibaad qaran iyo ballanqaadkii  xilligii doorashada oo aad oofiseen haddana waa daw inaanu, xildhibaano ahaan, idiinku mahadnaqno tillaabooyinbkii is xigxigey ee aad qaadeen ee ay ka mid ahaayeen heshiisyadii iyo soo xerogelintii aad u samayseen Garaad Cabdillaahi Maxamed Guuleed oo horkacayey cuqaashiisii, siyaasiyiintiisii, ciidan-beeleedkiisii iyo guud ahaan beeshiisii;  iyo tii ugu dambeysey oo ahayd soo dhoweyntii Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo beeshiisa oo hore isagu uga tirsanaa madaxdhaqameedka Khaatumo.  Waa tallaabooyin galay buugga dahabka ah ee ay ku qormaan dib u heshiisiinta iyo nabadaynta ummaddeenu.  Waana hal abid loo xusuusnaan doono laguna xusi doono Madaxweyne Siilaanyo.  Waxaanu Xukuumadda ku boorineynaa inay joogteyso la shaqaynta iyo taageerista dhaqdhaqaaqyada degaanadaasi ka curtay oo uu ugu horreeyo kan uu hadda wada Mudane Dr. Xaglotoosiye.  Shacabka Somaliland meeluu joogoba waxaanu ku boorineynaa inay taageero af iyo addinba ah isla garabtaagaan Mudane Dr. Xaglotoosiye.  Siyaasiyiinta beesha SOOlna waxaanu ugu baaqaynaa inay wadadaas uu jeexay Wasiirka Caafimaadku ku garab galaan cod, ciidaan iyo cuudba.

Wa Billaahi Tawfiiq

Allaa Mahad Leh

(1)   Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi

(2)   Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS