Xildhibaan Qabile Oo Qayrul Sharci Ku Tilmaamay Khudbad Sanadeedii Madaxweyne Siilaanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Qabile Oo Qayrul Sharci Ku Tilmaamay Khudbad Sanadeedii Madaxweyne Siilaanyo
May 8, 2014 - Written by Editor:

Xildhibaan Qabile ayaa sheegay in aanu marnaba ogolaadeen ama aanu ka qaybgalleen inuu dhagaysto khudbad sanadeed wakhtigan soo gaadhay, isagoo xusay in kalfadhigan lagu tilmaamo kalfadhi aan caadi oo goluhu iskugu yimid

Hargeysa(Wajaalenews) Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa qayral sharci ku tilmaamay in madaxweynuhu badhtamaha sanadka ka dhigo khudbad sanadeedkiisii, isla markaana ka hadlo waxqabadkii sanadkii hore iyo sanadka soo socda waxa uu qaban doonno.

Xildhibaan Qabile ayaa sheegay in aanu marnaba ogolaadeen ama aanu ka qaybgalleen inuu dhagaysto khudbad sanadeed wakhtigan soo gaadhay, isagoo xusay in kalfadhigan lagu tilmaamo kalfadhi aan caadi oo goluhu iskugu yimid, isla markaana uu khudbad ka jeediyey.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo sharaxaya qodobadda ka hadlaya khudbad sanadeedka waxa uu yidhi “Sida uu tilmaamayo qodobka 46 faqradiisa 4aad khudbad sanadeedka madaxweynuhu waa sanad walba bisha koowaad horaanteedda, haddii

uu cudur daar yimaadana bisha labaad shan iyo tobankeedda ayey u dhacaysa, waxa lagu muujinaya barnaamijyada xukuumada oo dhan, sida arrimaha lacagaha, siyaadda xukuumadda, nabadgalyadda, marka bisha May ayuu khudbadii sanadeedka ee bilowga ahayd soo jeediyey shanti bilood ee hore miyaa laga jarayaa, mise sanadka laga reebayaa sanadka intiisa kale, arrintaasi waajib ayuu ka dhigay dastuurku, sida uu shaaciyey gudoomiye ku xigeenka oo 24 saacadood ee ugu dambeeyey noo sheegay waxay ahayd inuu ka dhigo kalfadhi aan caadi ahayn ama waxay ahayd inuu dib u celiyo oo uu su’aalo ka waydiiyo dib udhaca, bishan bishii ku saddex ahaydayuu Gudoomiye Cirro lahaa madaxweynaha waxa laga layahay khudbad sanadeedkii, laba bilood iyo saayid ayaa ka dambeeyey, illaa hadda su’aal baa ka taagan sababta bishii shanaad khudbadda madaxweynaha u dhigtay, sida aan u arkayo waa qayral dastuuri in la dhagaysto, cidii dhagaysanaysay waa in la waydiiso haddii ay tahay xildhibaanadda iyo gudoomiyaha, haddii khudbadan lagu sheego khudbadii sanadeedkii madaxweynaha waa qayral dastuuri haddii kalfadhi aan caadi ahayn yahay waa iska caadi,”.

Mar la waydiiyey maxaad uga qaybgalli wayday kalfadhiga golaha baarlamaanka waxaanu yidhi “Aniga kolay maqnaantay iyo joogitaankedu waxba ma eegayo, mid weeyi cudur daarkaygu qof xanuunsanaya ayaan ku hayaa dhakhtarka aan rabo hadii alla ka dhigo in la qaado, manaanan ka qaybgaleen haddii aanan ku maqnayn arinkaasi

xigasho saxafi

COMMENTS
LINKS