|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Jaamac Riyo Oo Hees Labbaad U Tiriyey Madaxweyne Siilaanyo, Kuna Tilmaamay Hogaamiye Aan Hoodo Lahayn Oo Lagu Hungoobay.
May 5, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews)Abwaan Jaamac Riyo Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Soo Saaray Heestii Labbaad Ee Uu Ku Saluugayo Maamulka Madaxweyne Siilaanyo, Waxaanu Hogaaminta Siilaanyo Ku Tilmaamay Mid Aan Hoodo Lahayn Oo Mudadii Uu Xilka Hayey Dalka Ay Ka Dhaceen Dhibaatooyin Farro Badan. Heestan Cusub Ayaa Ereyadeeda Waxa Ka Mid Ah “Nasiibka Iyo Hoodadaada Huga Ku Mataansanoo, Habeenkaagaa Madoow”. Abwaan Jaamac Riyo Ayaa Sheegay In Ay Dabba Socoto Heestani Tii Uu Sanadkii Hore Uu Sameyey Ee La Odhan Jiray “Diir Iyo Ayax Oomanoow Ka Data” Waxaanu Yidhi.“Heestan Labbaad Ee Aan Soo Waddo Waxa La Yidhaahda (Haf), Waxa La Yidhi Fardaha, Dumarka Iyo Hogaamiyaasha Waxay Isku Dhaafan Nasiib, Tusaale Ahaan Gabadhaasi Hoodey Leedahay, Faraskaasi Hoodu Leeyahayo Duulanka Lagu Gallo Waa Laggu Soo Guuleystaa, Taliyahaasi Hoodu Leeyahayo Taladiisa Lagu Meel Maraa, Marka Ereyada Heesta Waxaka Mid Ah. Halkan Ka Akhriso “Nasiibkiyo Hoodadaada
Hungo Ayaa Ku Mataansanoo
Habenkaagaa Madow.
Waxaad Hoodaamisaaba
Hed Iyo Dhiig Bay Tagaan.
Awlaada U Loogan Haadka
Badaad Ka Horjooganlayde .
Waayeel Cunay Heeryadiisa
Hogaan Lagu Guul Daraystay
Sharlow Ugumaad Horayne.
Hirkaa Dheereen Ku Saaray
Dabayli Ha Kaa Haftee.
Waxaad Ku Hagagsanayd,
Hayaayda Iyo Caytankee
Sidaadii Hore Ku Noqo.
Abwaanka Oo La Waydiiyey Sababta Uu Madaxweynaha Heestan Ugu Tiryey
Waxa Uu Yidhi. “Runtii Anigu Hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo Waxay Illaa Muuqataa Mid Habeenkeedu Modow Yahay, Nasiibka Iyo Hoodadaad Hungokumataansano Habeenkaaga Madoow, Macnaha Intaasi Waxay Tahay Haddii Xabad Cirka Ay U Ridaan Qofbay Ku Dhacda, Wafti Haaddii Uu U Baxo Waad Aragteen Waxa Gaadhi Qalimaya, Waxa Kolba Meel Wasiiro La Jiidhayo, Aad Iyo Aad Ayuu U Nasiib Xuntahay Hogaaminta Xukumada Siilaanyo.
Xildhibaan Abwaan Jaamac Riyo Ayaa Shacabka Somaliland Baaq U Diray Waxaan U Soo Jeedinayaa In Mudada U Hadhay Xukumada Siilaanyo Ay U Samraan Maalinta Codka Gaadhan Ay Is Dhaafiyaan.
Dhan Kale Waxa Uu Abwaanku Sheegay In Heesaha Uu U Tirinayo Xukumada Siilaanyo Aanu Joojinayn Tan Iyo Inta Meesha Ay Ka Baxayso, Waxa Kale Oo Uu Cambaareyey Fanaaniinta La Sheegay In Xukumadu Dalalka Qurbaha Ka Soo Waaridayso Si Ay Wakhtiga 18-Ka May Uga Heesan Dalka.
Waxa Kale Oo Uu Sheegay In Shirkii Kulmiye Uu Ahaa Mid Shirbeeled Ah Oo Somaliland Sharaf Xumo Weyn U Soo Jiiday.
Wajaalenews.Net Hargeoisa/Office Related posts:Saamaynta taban ee U-joog Ku-joog U-joogta (Tabaha habaysan ee qaran-gadka), Qalinka: Boobe Yuusuf D... Waftigii Wasiirada Somaliland oo Kulamo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Djabuuti iyo Safiir... Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Jsl Oo Imaamada Masaajidada Ku Amartay In Joojiyaan Makarafoonada Habe... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|