Xassan Sheekh Maxamuud waa Nin Siyaasada Ku cusub Waraaqo aanu is Dhaafsanayna ma jirto”Madaxweyne Siilaanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xassan Sheekh Maxamuud waa Nin Siyaasada Ku cusub Waraaqo aanu is Dhaafsanayna ma jirto”Madaxweyne Siilaanyo
May 7, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Somaliland Jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Markii ugu horeysay Jawaab kulul ka bixiyey Hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo hore u sheegay in uu madaxweynaha Somaliland kala hadlay sidii ay ciidamadooda ugala bixilahaayeen Taleex, Madaxweyne Siilaanyana ka aqbalay, madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in aanay habayaraate jirin waxa xidhiidh ah oo dhex maray isaga iyo xassan Sheekh Maxamuud, waxaanu madaxweyne Siilaanyo Madaxweynaha Somaliya ku tilmaamay Nin dhalinyaro ah oo siyaasada ku cusub, waxaanu u soo jeediyey in uu siyaasada barto.

Sidaasi  waxa uu ku sheegay Qudbadsanadeedkii Labbada Golle oo uu maanta Madaxweynuhu ka horjeedinayey.

 

HARGEISA WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS