Xaruntii Tvga Qaranka Somaliland Ee London Oo Guud Ahaanba Albaabada Loo Laabay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaruntii Tvga Qaranka Somaliland Ee London Oo Guud Ahaanba Albaabada Loo Laabay
May 3, 2014 - Written by Editor:

London(Wajalenews)Xafiiska Tvga Qaranka Oo Ku Yaala Daarta Loo Yaqaan Crown House Oo Ay Ku Wada Yaalaan Tv-Yada Kale Sida Horn Cable Iyo Kuwo Ajaaniba ,Ayaa Sida Ay Hadhwanaagnews Ay Ka War Heshay Oo Loo Xaqiijiyay In Al-Baabada Loo Laabay Kadib Markii Ay Isugu Biirtay Laba Arimood Oo Kala Ah, Xafiiska Oo Aan Ku Diiwaangashayn Magaca Somaliland Balse Ku Diiwaan Gashay Karin Housing Assosiation Oo Xafiiskiisa Rasmiga Ahi Ku Yaalo Bariga London, Iyada Oo Kiradii Isku Gaadhay, Isla Markaana Uu Hadheeyay Musuqmaasuq Iyo Maamul Xumo.
Sidii Aanu Hore U Baahinay Muddo Haatan Laga Joogo Dhawr Todobaad Oo Anu Sheegnay Ila Xogogaal Ah Oo Tibaaxaya In Ay Jirto Baadhitaan Ay Ku Waddo Waaxda Cashuuraadka
Ee Degmada Brent Ee Galbeedka Waqooyi Ee Magaalada London Oo Ah Goobta Ay Ku Taalo Xarunta Tvga Qaranku.
Arintan Ayaa Waxa Ay Ku Soo Beegmaysaa Xili Ninka Ku Magaacaban Agaasime-Waaxeedka Qaarada Yurub C/Raxmaan Aadan Dhari(Quful) Ee Tvga Qaranka Oo Dhawaan U Dhoofay Magaalada Hargaysa Si Uu Uga Raadsado Xil Xukuumada Siilaanyo Oo Hore Ugu Magawcaday Agaasime Waaxeedka Tvga Qaranka Ee Qaarada Yurub Inta Loo Helayo Xil Kan Ka Sareeya.
Dhan Kale Waxa Isaguna Ku Sugan Magaalada London Ninka Ku Magaacaban Gudoomiyaha Tvga Qaranka Oo La Yidhaahdo Cabdi Bacaw Oon Kaba Soo Xaadirin Xarunta Tvga Qaranka, Marka Laga Reebo Xiliyadda Gunooyinka Lacageed Loo Soo Dirayo Mooyee, Sida Hadhwanaag Ay U Xaqiijiyeen Dad Xogogaali, Waxana Cabdi Bacow La Sheegay In Lacagtii Kirada Oo Lagu Soo Hagaajiyay Isaga Uu Weec Saday Ilaa Iyo Haddana Aanu Gaadhsiinin Maamulka Crown House.

Xarunta Tvga Qaranka Ee Uk Oo Bulshada Somaliland U Taqaano Meel Beeli Leedahay, Marka Loo Eego Tirada Dadka Shaqaalaha Ku Qoran Oo U Badan Beesha Siilaanyo,Ku Waas Oo Gaadhaya 11 Qof Oo Isugu Jira Rag Iyo Dumar Kuna Kala Sugan, Magaalooyinka London, Cardif,Bermingham Iyo Shefield Oo Mid Ka Mida Dhawaan Lagu Soo Daray.

Xarunta Tvga Qaranka Ayaa Ah Meel Qaranka Ku Ah Dhiig Bax Isla Markaana Aad Moodid In Loogu Talagalay In Dad Gaar Ah Lagu Naasnuujiyo Oo Uu Ugu Horeeyo Agaasime Waaxeedku .

Sidoo Kalena Waxa Hadhwnaag Loo Xaqiijiyay In Maareeyaha Guud Ee Tvga Qaranku Khadar Cali Gaas Aanu Wax Awooda U Lahayn Wax Ka Badalka Xaalada Tvga Qaranka Ee Guud Ahaan Yurub,Lana Sheegay In Ay Ka Madaxbanaantahay Qaarada Yurub Maadaama Aanu Isagu Marka Horeba Soo Magacaabin.

Waxa Sidoo Kale La Sheegay Shaqaalaha Sida Rasmiga Ah Iyo Daacada Ah Uga Hawl Gala Tvga Ay Cabasho Gaadhsiiyeen Wakiilka Somaliland Ee Uk Cali Aadan Cawaale Kadib Markii Laga Xidhay Xaruntii Ay Ka Hawl Galayeen.

Hase Ahaatee Wararka Hadhwanaag Soo Gaadhaya Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Wasiirka Warfaafinta C/Laahi Cakuuse Uu Ku Soo Fool Leeyahay Magaalada London Si Uu Uga Qayb Galo Munaasibada 18 May Ee London,Waxana Ay Tijaabo Ku Tay In Wasiir Cakuuse Wax Ka Badali Karo Xaalada Tvga Qaranka Ee Yurub Oo Sum Cad Xumo Ku Ah Qaranka Somaliland, Hadhwnaag Waxa Ay Isku Day Day In Ay Wax Ka Waydiiso Gudoomiyaha Cabdi Bacaw, Hase Ahaatee Noomay Suurta Galin, Waxana La Sheegay In Ay Adagtahay In La Helo.

 

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

COMMENTS
LINKS