Xaflad balaadhan oo lagu xusayo madaxweynihii u horeeyey ee JSL oo lagu qabtey Burco (SAWIRO) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaflad balaadhan oo lagu xusayo madaxweynihii u horeeyey ee JSL oo lagu qabtey Burco (SAWIRO)
May 17, 2014 - Written by Wariye:

Burco(Wajaale News):- Xafladani Baladhan Ee Lagu Xusayay Tarikh Nololeedkii iyo Ku Dhawaqistii 18 May Madaxwaynihii Ugu Horreyay S/land Alle How Naxaristii C/Raxmaan Axmed Cali (Tuur) ayaa Waxa Lagu Qabtay Hotel Ramad Ee Magaladda Burco.

qodaal '

Waxaana Munaasibadaasi Baladhan ka Soo Qayb-Galay Maayirka Degmada Burco,Maayir ku Xigenka,Cuqaal,Odayaal,Abwaano,Waxgarad,Haween iyo Waliba Marti Sharaf Aad u Tirro Badan.

Ugu Horraynba Waxa Xafladaasi Baladhan Ee Lagu Xusayay Tariikh Nololedkii Madaxwaynihii Ugu Horrayay S/land ka Hadlay Maayirka Degmadda Burco Maxamed Muraad Waxaanu Halkaasi Ka Soo Jeediyey Taariikh Nololeedkii Mujaahid Cabdiraxmaan Ahmed Cali (Tuur) Oo Ahaa Madaxweynahii

Ugu Horeeyey  Ee Jamhuuriyada Somaliland Isla Markaasina Ahaa Madaxdii SNM Ee Ku Suntanaa Ku Dhawaaqista Gooni Isutaaga Jamhuuriyada Somaliland Somaliland Waxaana Uu Yidhi


Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Maayirka Degmadda Burco
” Runtii Caawa Farxad Wayn ayay ii Tahay in Aan ka Soo Qayb-Galo Xus Baladhan Oo Lagu Xusayo Madaxwaynihii Ugu Horreyay S/land,Hadii Aan ka Hadlo Tariikhda Marxuumka Waxa Uu ahaa Halyay Qaran Oo Runtii ku Suntaa inuu ku Dhawaqay Somaliland,Tariikhda Mujaahid C/Raxmaan Caawa Maaha Mid Aynu Halkan ku Soo Koobayno Wuxuu Door Muhiim ah ka Ciyaray inuu Dalkani Madax-Bananado,Wuxuu ahaa Abihii qaranka Somaliland,intii Aan Maayirka Degmadda Burco ahaa Waa Markii Labaad Ee Aan ka Qayb-Galo Xaflad Lagu Xusayo Mujaahid C/Raxmaan Tuur,C/Raxmaan Waxa Uu ahaa Meel Nin Rag ah Mooyane Nin Dabcaa Uu ka Yoolay ayuu Maanta ka Soo Tuuray Qaran-Nimadda Aad Arkaysaan Maanta,Alle How Naxaristii C/Raxmaan Tuur Dalka Abaal badan ayuu ku Leeyahay” Ayuu Yidhi Maayirka Degmadda Burco


Maayir Ku Xigeenka Degmada Burco  Muxumed Xasan Jaamac Xoday Oo Isna Munaasibadaasi Hadalo Kooban Ka Soo Jeediyey Ayaa Isna Taabtay Ahmiyada Iyo Halgankii Dheeraa Ee Dib U Xoraynta Jamhuuriyada Somaliland Iyo Halkii Uu Kaga Jiray Marxuun Abdiraxmaan Ahmed Cali (Tuur).


Chief Caaqil Ahmed Keyse Maxamed Daahir Oo Isna Munaasibadaasi Ka Hadlaayey Ayaa iftimeyay Tarikhdii Baalka Dahabka ah Ee Uu C/Raxmaan Tuur ku Lahaa Qaran-Nimadda Jamhuriyadda Somaliland.


Waxaana Ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan ” Caawa Runtii isu Sheegi-Mayno Tariikhda Geesi-Nimada Leh Ee Dalkan Somaliland ku Lahaa Marxumku,inaga Caawa Alle How Naxaristii Wuxuu inooga Baahan Yahay Ducco,C/Raxmaan Tuur Waxa Uu ahaa Gudomiyihii Ugu Danbeyay SNM iyo Madaxwaynihii Ugu Horreyay .

Somaliland,C/Raxmaan Markii Ugu Danbaysay ilahay Wuxuu ku Asturay Markii Bali-Gubadle Loogu Dhiibay Gudomiyaha SNM Wuxuu ahaa Qofkii ku Gulaystay Xorraynta Dalka,Kuna Dhawaqay 18 May Qaran-Nimadda Somaliland,Qof Kasta Caalamka Waxbaa Lagaga Daydaa Waxaan Madaxda Africa ka Suurtobin inay Kuraasta Dhibaan,C/Raxmaan Kursiga inqilaab iyo Codtoona Lagagama Qaadine Markii ay Dhamatay Mudadisii ayuu si Yar u Wareejiyay” Ayuu Yidhi Chief Caaqil Ahmed Kayse Maxamed Daahir.


Mujaahid Xasan Jirkaale Oo kaMid Ahaa Mujaahidiintii Ururkii Dib U Xoraynta Ee SNM Kaasi Oo Ku Dheeraaday Tariikh Nololeedkii Madaxweynahii Ugu Horeeyey E Somalilad Marxuun Abdiraxmaan Ahmed Cali Waxaanu Yidhi
“Tariikhda Marxuunka O Aad Ku Xusuusan Kartaa Laba Maalmood Oo Kaliya Oo Uu Marxuunku Si Gaara Ugu Suntanaa. Kuwaasi Oo Kala Ahaa Markii Uu Marxuunku Lahaa Waxaan Ku Xooraynayaa Anagoo SNM ah Geyiga Somaliland 6 Bilood Qudha. ILAAHAY Amarkiisa Markii Ay Lixdii Bilood Ay Ka Dhinayeen 12 Cisho Lagu Dhawaaqay Qaranka Somaliland.


Sidoo Kale Waxaad  Ku Xusuusan Kartaa Marxuunka  Maalinta Qiimaha Weyn Ugu Fadhida Somaliland Ee 18 May Oo Uu Ahaa Marxuunku ILAHAY Naxariistii Jano Ha Ka Waraabiyee Kii Ku Dhawaaqay Waxaana Uu Sidoo Kale Kaga Rumeeyey Hadalkiisii Ahaa In Uu Maalinta Ay Ka Dhamaadaan 2dii Sano Ee Uu Xilka Hayey Isagoon 1 Maalin Ku Darsan Kaga Dagay Xilka oo Inoogu Dhiibay Marxuunkii Madaxweynahii Labaad Ee Maxamed X.Ibraahim Cigaal” Ayuu Yidhi Mujaahid Xasan Jirkaale
Faysa Qayb-diid Oo ka Mid ah Haweenka Gobalka Togdheer Oo iyaduna Xafladaasi Baladhan ka Hadashay ayaa Xukumada Talada Haysa usoo Jeedisay inay Daryeesho Mujahidintii SNM isla Markaasna ka ilaaliso Dhibta iyo Silica.


Waxaana ka Mid ahaa Hadaledii Faysa Qaybdiid ” Madaxwaynihii Somaliland C/Raxmaan Axmed Cali Wuxuu ahaa Madaxwaynihii ku Dhawaqay 18 May,Waxaan Leenahay C/Raxmaan Tuur Waa Abihii Dibu Xorraynta Dalka,Waxaan Halkan Baaq Uga Dirayaa Madaxwaynaha S/land Silanyo Oo Aan Leeyahay C/Raxmaan Tuur Xus Oo ku Darso Tarikhdada,C/Raxmaan Nin la ilaawi-Karro Maaha Ardayda imtaxaanka Kaalinta Kowaad Lagama Qaadi Jirin,Madaxwayne Waxaanu ku Leenahay intay ka Dhinteen Mujahadiintii SNM Daryeel inta Nool Ee Nafada Ee Gidarada Fadhiya Ee Laga Xarabaysto Waa SNM Madaxwayne Daryeel ilay Nin SNM ah ayaad Tahaye” Ayay Tidhi Marwo Faysa


Abwaan Aar Sidiiq iyo Abwaan Xeef Maxamuud Aden Oo iyaguna Munasibadaasi ka Hadlay ayaa Halkaasi ka Tiriyay Maansoyin ay Kaga Hadlayaan Halganki Uu Dalka usoo Galay Mujaahid C/Raxmaan Tuur.

Haween Iyo Marti Sharaf Kale Oo Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Iyana Ku Dheeraaday Ahmiyada Xusitaanka Marxuun Cabdiraxmaan Ahmed Cali Kuwaasi Oo Bulshada Somalilandna Ugu Baaqay In Ay Caawa Oo Kale U Asteyaan Xusitaanka Marxuunka (ALLAH NAXARIISTII JANO HA KA WARAABIYEE)
Gaba-Gabadii Waxa Munaasibadaasi Soo Xidhay Gudomiyaha Talo iyo Towfiiq Xasan Xuseen Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii
“Dhamaan Duco ayay Inaga Mudan Yihiin Mujaahidiintii Dalkan Soo Xoreeyey Dalka Gaar Ahaan Mujaahid Cabdiraxmaan Ahmed Cali (Tuur) Oo Aynu Gaar Ugu Xusayno Munaasibadan.


Waxaan Ku Soo Gabagabaynayaa Waxa Fooda Inoo Soo Saaran Maalintii Uu Mujaahidku Ku Xusnaa Ee 18 may Inaynu Amaanka Aad U Ilaalino Waxaan Madaxweynaha Somaliland Ee Hadana Leeyahay Waxa Aad U Nasiib Daro Ah Adigoo Ka Mid Mujaahidiintii SNM In Xiisadaha Dugsiyada Ee Dalka Laga Waayo Taariikhdii SNM Waxaan Leeyahay Waa In La Sameyaa Xiisad U Gaara Tariikhdii Ay Soo Mareen Halgankii Dib U Xoraynta Qaranka Somaliland Oo Manhajka Dalka Lagu Daraa. Taas Ayaan Fariin Ahaana Ugu Dirayaa Madaxweynaha Somaliland” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gudida Tallo Iyo Tawfiiq Xasan Xuseen Faarax
Ugu Danbayntii Munaasibadani Baladhan Ee Lagu Xusayay Madaxwaynihii Ugu Horrayay Jamhuriyadda Somaliland Alle How Naxaristii C/Raxmaan Axmed Cali ayaa Sanad Kastaba Waxa Sida Tan Oo Kale Looga Xusaa Gobalada Somaliland.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye;Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS