|
|||||
WAJAALE NEWS
Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL wuxu ku hambalyaynayaa Jaalliyadaha Somaliland ee Caalamka Sida ay Uga Qaybqaateen Xuska Munaasibadda 18 May
May 20, 2014 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED: Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL wuxu ku hambalyaynayaa Jaalliyadaha Somaliland ee Caalamka Sida ay Uga Qaybqaateen Xuska Munaasibadda 18 May
HARGEISA(WAJAALENEWS);Jaalliyadaha Somaliland ee Wadamada Caalamku waxay kaalin mug leh kaga jiraan qadiyadda madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland iyagoo markasta iyo meelkasta oo ay dunida ka joogaan shucuur wadaninimo iyo dareen mid ah la wadaaga Shacabkooda Somaliland. Jaalliyadaha Somaliland waxay si laab leh uga oogeen xuska sannadguurada 23-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland 18 May 1991, wadamadii ugu badnaa qaaradaha dunida ee qurbajoogga Somaliland ku qabtaan xuska 18 May. Qurbajoogga Somaliland ee jaalliyado tiro badan ayaa si isku mid ah uga dabbaal-degay xuska 18 May 2014 magaalooyinka waaweyn ee dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo dalal ay ka midyihiin Canada, Norway, Sweden, Finland, France, Belgium, Holland, Talyaaniga, Australia, South Africa, Djibouti, Sucuudiga, Qatar, Kuwait, Dubai, South Africa, Turkey, Uganda, China, Malaysia, Masar, Yemen, Sudan, India iyo wadamo kale. Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha Somaliland wuxu uga mahadcelinayaa guud ahaan qurbajoogga iyo jaalliyadaha Somaliland iyo ururadada ardayda Somaliland ee dhammaan wadamadan kor ku sheegan iyo dalalka kaleba sida wadaniyadda iyo qaranimada leh ee ay uga qaybgaleen xuska sannadguurada 23-aad ee maalinta qaranimada Somaliland 18 May 2014.
GUUL GOONI ISUTAAGGA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Xasan Axmed Yuusuf Agaasimaha Xidhiidhka Jaalliyadaha Xafiiska Xidhiidhka Jaalliyadaha JSL Emai: info@somalilanddiaspora.org Hargeisa, Somaliland Related posts:Xukuumada Caawa Xabsiga U Taxaabtay La Taliyihii Hore Madaxwaynaha Barkhad Jaamac Xirsi Oo Hada Ka... "Ciidanka Boolisku In Ay Xoog Yeeshan Ciidanka Qaranka Dan Wayn Ayaa Ugu Jirta"Sareeye Gaas Nuux Taa... Saamayn Intee leeg Ayay ku Yeelan kartaa Qaadhanka Lacageed Ee Sadex Maayar Ugu Balan Qaadeen Muuse ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|