|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Daawo Xaaska Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Ammniga Oo Si Adag Uga Hadashay Weerar Xalay RRU-du Ku Soo Qaaday Gurigooda
May 30, 2014 - Written by Editor:Hargaysa(Wajaale News):-Xaaska Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Ammniga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacdiya Maxamed Cali ayaa ka hadashay weerar xalay saqdii dhexe lagu soo qaaday gurigooda,isla markaana lagula baxay Sayigeedii. Marwo Sacdiya Maxamed ayaa sheegtay in lagu soo qaaday Weerar Argagax leh,sidoo kale Marwo Sacdiya waxa ay sheegtay in rasaas nool lala dhacay Gurigooda Aakhirkiina lagu dhaawacay nin ka ka mid ah Ilaalida Guriga isla markaana lagu magacaabo Saleebaan Dakhare “Xalay abaaro 1-dii iyo dheeraad ayaa nala soo weeraray hub nooc walba waa naloo adeegsaday ciidanka xalay na soo galay umma malaynayo inay ciidankii amniga bulshadda ilaalinayey inay yihiin, waxa na soo weeraray argagixiso afka duuban iyo waxan lagu sheego RRU-da ee ay Midawga Yurub dhaqaalaha badan siiyaan. RRU-da malaha caalamku waxay dhaqaalaha iyo hubka u siiyaan inay bulshadda gumaadaan oo ay habeenkii haweenka iyo caruurta saqda dhexe guryaha loogu soo daato, hadii aanay taasi jirin dunidu wax ha ka qabato” ayay tidhi Marwo Sacdiya oo la hadashay Warbaahinta Shan caruur ah ayaan haystaa oo ka ugu wayni yahay sagaal jir ka ugu yarin sagaal bilood oo dhaw-dhaw yahay, imika caruurtii way wada xanuunsanaysaa oo shook ayaa wada haysta oo qaarbaa indhaha aan kala qaadi karin, waxaana waxyeeshay suntii dadka kaga ilmaysiisa ayaa guriga naloogu soo dhex tuuray oo xalay oo dhan beerka ayaanu dhulka ku haynay, aniga qori dabadii ayaa nalay la dhacay oo caruurta qori dabadii ayaa lala dhacay oo markii aan ka qabo is idhi ana dhawr askari ayaa igu tuntay oo feedhaha ayaan wax ka qabaa, alaab badan ayaa guriga ka maqan oo Mopilo iyo Dahab ayaa maqan oo lacag ayaa laga qaatay guriga oo waa nala galalafay, balse waxaynu eegi halka ay gaadhsiiso Siilaanyo tacadiga iyo cadaawada uu qabaa halka ay gaadhsiini”. Xadhiga Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa salka ku haya ka dib markii uu shaaciyay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Siilaanyo oo uu sheegay in ay ka tirsan yihin Ururuda Xagjirka ah ee Ikhwaanul Muslimiin, Al-Itixaad, Ictisaam iyo ururka Al-Shabaab WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE Email:habane00@gmail.com Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|