Weerarro Lagu Laayey Askar Ka Tirsan Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Somaliya Oo Xalay & Maanta Ka Kala Dhacay qaybo kamida somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weerarro Lagu Laayey Askar Ka Tirsan Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Somaliya Oo Xalay & Maanta Ka Kala Dhacay qaybo kamida somalia
May 1, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO(WAJAALENEWS);Weerar dhabbo-gal ah oo lagu laayay ciidmado ka tirsan kuwa AMISOM, gaar ahaan ciidmada Uganda ayaa goor dhawayd ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose ee dalka Somaliya.

Wararkii ugu horreeyey ee deggaankaasi laga helaayo ayaa sheegaya in Sarkaal iyo Afar Askari oo dhamamaantood Yugaandhiis ah lagu dilay weerarkaasi oo ahaa mid gaadmo ah.

Mid ka mid ah Kolonyada gaadiid ay ciidmada Yugaadhiisku wateen, ayaa la sheegayaa in waxyeello xooggan la gaadhsiiyey, kadib markii lala helay madaafiicda garbaha laga gano.

Degmada Qoryooley oo dhawaan ay la wareegeen ciidmada AMISOM iyo kuwa Somaliya, isla markaana dadkii rayidka ahaa isaga hayaameen, ayaa hadh iyo habeenba hurran weerarro kaga yimaadda xarakada Al-Shabaab.

Dhanka kale, Xalay fiidkii ayey ahayd markii xoogagga Shabaabul-mujaahidiin ay weerar culus ku qaadeen degmada Faxfax-dhuun ee gobolka Gedo ee dalka Somaliya.

Degmadan oo ay gacanta ku hayaan isla markaana fadhiisin u ah ciidmada Kenya iyo kuwa Somaliya ayaa xalay marti-gelisay mid ka mid ah weerarrada Silsiladaha ah ee ka socda dalka Somaliya.

Dagaalkan xooggiisa oo ka dhacay difaacyada ciidmada Somaliya ay ku leeyihiin degmadaasi, waxaana halkaasi in muddo ah ka socday dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayey idaacadda ku hadasha Afka Al-Shabaab sheegtay inuu ahaa mid lagu guulaystay isla markaana khasaara xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaadhsiiyey cadawga.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaallo maalmihii iyo habeennadii ugu dambeeyey si joogta ah uga socday difaacyada ciidmada Kenya iyo kuwa Somaliya ay ku leeyihiin degmada Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Dhinaca kale gobolka Jubbada Hoose,  gaar ahaan degmada Qooqaani, waxaa xalay ka dhacay dagaal aad u xooggan oo u dhexeeyey ciidmada Al-Shabaab iyo kuwa Kenya.

Guutooyin ka tirsan xoogagga Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus oo labo geesood ah ku ekeeyey difaacyada ciidmada Kenya ay ka samaysteen deggaanka Qooqaani.

Dagaalkan oo in muddo ah ka socday deggaankaasi, ayaa waxay wararku sheegayaan in khasaare xooggan lagu gaadhsiiyey ciidmada Kenya oo iyagu hubka madaafiicda ah hareerahoo dhan u ridaayey.

Habeen ka hor ayey ahayd markii weerarkan oo kale ay ciidamada Xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen difaacyada ay ciidmada Kenya ku leeyihiin degmada  Af-madow.

Dhinaca kale, tuulo hoos timaadda isla markaana 18 KM u jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay dagaal ba’an oo u dhexeeyey ciidmada Al-Shabaab iyo kuwa Somaliya.

Dagaalkan ayaa ka dhashay weerar dhabbo-gal ah oo ciidmada Al-Shabaab shalay ku beegsadeen ciidamado ka tirsan kuwa Somaliya oo dhaq-dhaqaaq ka sameeyey deggaannadaasi.

Sida ay warbaahintu sheegayso, waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Waxaana sida la sheegayo ku dhintay Labo Askari oo lagaga cararay goobtii dagaalku ka qarxay.

Sidoo kale waxay wararku intaasi ku darayaan in tiraba Saddex Qori iyo booshashkoodii ay xoogagga Al-Shabaab ku furteen dagaalkaasi, isla markaana ay jiraan dhaawacyo daran oo dagaalkaasi kasoo gaadhay askar ka tirsan ciidamada Somaliya.

Degmada Xudur ayaa ka mid ah degaannada haawanaya ee la iska yaacay ee sida xooggan loogu go’doomiyey, looguna wiiqay ciidmada Itoobiyo iyo kuwa Somaliya

COMMENTS
LINKS