Waxgaradka Reer Saaxil Oo Taageeray Xilka Loo Igmaday Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Saaxil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxgaradka Reer Saaxil Oo Taageeray Xilka Loo Igmaday Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Saaxil.
May 4, 2014 - Written by Editor:

Hargaysa(barbera)  Qaar Ka Mid ah Aqoonyahanada Deegaamada Gobolka Saaxil Ayaa Maanta Waxaa Ay Ka HAdleen Isku Shaandhayntii uu Madaxweyne Silanyo Ku Sameeyey Habeenkii Xalay Golahiisa Xukuumada Isla Markaana uu Xil Ka Qaadista Iyo Magcaabista Ku Sameeyey Waxaana Ay Mahadnaq Iyo Taageero Ku Sifeeyeen Isku Shaandhayntaasi

Baaqan Oo Kasoo Baxay Aqoonyahanada, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada, Haweenka,Cuqaasha,Qurbajoogta Iyo Dhamaanba Inta BAdan Shacabka Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Ayaa Ay Halkaasi Waxaa Ay Hanbalyo Iyo Bogaadin Aan Lasoo Koobi Karin Dusha Ka Huwiyeen Cali Maxamed Cilmi oo Ahaa Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Saaxil.

Waxaana Ay Halkaasi Hanbalyo iyo Bogaadin uga Soo Jeedinayeen Xilka Loo Magcaabay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi oo loo Igmaday Inuu Ahaado Wasiir Ku Xigeenka Amniga Ee Wasaarada Arimaha Gudaha

Cali Maxamed Cilmi Ayaa Ay Waxgaradkani Ku Sifeeyeen Inuu Yahay  Siyaasi Ruug Cadaa Ah,Waayarag Ah Isla Markaana Xilkiisa Uga Soo Baxaya Sidii Loogu Doortay Wuxuuna Ku Caana Maalay Awoow Ka Awoow Talada Iyo Hogaaminta Maadaama uu Ka Soo Jeedo Reer Samotalis ah

Cali Maxamed Cilmi Waxaa Ay Ku Sheegeen Inaanu Ahayn Nin Looga Bartay Xaalad Abuur Iyo Kicin Dadweyne Wuxuu Damiyo Mooyaane Waxaana Taasi Gartay Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Asiibay Xil Magcaabista Cali Maxamed Cilmi Isagoo Ku Soo Beegmay Waqtigii Loo Baahnaa Isagoo Masuulkani Buuxin Doona Booskii Wasiir Ku Xigeenka Amniga Ee Xilkaasi Laga Eryay Markuu Gudan Kari Waayay Waa Siday Sheegeene.

Ugu Danbayntii Waxaa Ay Ilaahay Uga Baryeen Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi Inuu U Fududeeyo Xilkaasi Loo Igmaday Ilaahayna Ku Garab Galo

 

Magacyada Waxgaradka Baaqan Soo Saaray

Eng Cali Maxamed Xoorxoor        Maareeyaha Dekeda Berbera.

Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye      Agaasimihii Hore Cashuuraha Beriga.

Cali Axmed Kooshin

Cumar Cali Xuseen Buraale

Cabdirisaaq Cali Xuseen

Xildhibaan Siciid Cartan

Xildhibaan Waysacade

Xildhibaan Dable

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Xildhibaan Cawl Cabdilaahi Beegsi

Cawil Cawl Cabdilaahi Beegsi

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh

Suldaan Cabdilaahi Ismaaciil Aaden Dirays

Caaqil Jaamac Muuse Geedi

Maxamed Cali Cumar Halaasi

Sheekh SaLeebaan Maxamed

COMMENTS
LINKS