|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxaanu Ugu Baaqaynaa Oday Dhaqameedyada Ka Yimi Muqdisho In Ay Si Degdag Ah Wadanka Uga Baxaan Oo Ay Ku Noqdaan Wadankoodii”Xoghayaha Hidaha Iyo Dhaqanka Xisbiga WADDANI.
May 10, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News)-Xoghayaha Hidaha iyo Dhaqanka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Jiif Caaqil Cabdi Guleed Gaboobe ayaa oday dhaqameedada Maalmihii u danbaysay ku sugnaa magaalada Hargeysa ee ka yimi Koonfurta Somaliya ee magalada Muqdisho ugu baaqay in ay dalka iskaga baxaan,waxaana u sheegay in aan ilaa hada lagaranayn u jeedada dhabta ah ee dalka u yimaadeen,isaga oo sida oo kalena tibaaxay in ay qayb ka yihiin dadaalada ay dawlada Turkigu ku doonayso in ay is dhexgal dhinaca Siyaasada iyo Bulshada ay ka samayso dalalka Somaliland iyo Somaliya taasi oo uu ku tilmaamay mid aan munaasib ku ahayn wakhti xaadirkan maadaama aan ilaa hada Shacbiga reer Somaliland ay wali tabanayaan Boogihii iyo dhaawacyadii ay dawaladii Kaligii taliska ahayd ee Somaliya u gaysatay Shacbiga reer Somaliland. Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe ayaa waxaa uu hadalkan maanta ka sheegay mar uu shir-jaraa’id uu ku qabtay magaalada Hargeysa,waxaana uu ugu horayn uu ka waramay qaabkii ay dalka u soo galeen. “Waxaan maanta doonayaa in aan bayaamiyo oo aan ka hadlo odayaasha madax dhaqameedka lagu sheegay ee ka yimid Muqdisho ku waasi oo muddo afar ama shan cisho ahba inala joogay,Nimankaasi oo aanay Reer Somaliland ujeedada ay u yimaadeen aanay warbadan ka haynin,markii ay ka soo dageen madaarka waa la diiday in saxaafadu Madaarka kula kulanto ama wax waydiiso,Madaxtooyada ayaa ay galeen wax alaala iyo wax ay Xukuumadu Warbixin ah oo ay ka soo saartay oo la qaadan karo habayaraatee majirto,waxaa ay la shireen odayaasha dhaqanka salaadiinteena ,wax alaala iyo wax ay u sheegeen oo la taaban karo oo ay u sheegeen ma jirto oo aan ahayn,waxaanu u nimid indha indhayn iyo in aan isbarano iyo in aan wax idin ka barano oo ah hadalo maanta aan ahayn kuwa dhex yaala somaliland iyo somaliya,waayo somaliya waa dawladii ay somaliland ka go’day ee ay lixdankii israaceen dhibaatoyin ayey kala kulantay wax badan baa dhex maray xasuuqbaa halkan ka dhacay waxii la gaystay waxaa loo tirinayaa somaliya cidi kamay hadal ragii xasuuqaa gaystayna waxaa ay kamid noqdeen dadka hadba loo magacaabo maamulada somaliya kuwa halkan maraaya eel eh madax dhaqameed ayaanu nahay ayaa qaar u madax dhaqameed ah”Ayuu yidhi Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe Xoghayaha Hidaha Iyo Dhaqanka Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe ayaa isaga oo hadalkiisa sii Wata ayaa waxaa uu sheegay in aan maanta aan shacbiga reer somaliland aanay marnaba u dulqaadan karayn in oday dhaqameedka ka yimid koonfurta Somaliya ay yidhaahdaan waa aynu isbeer xaadhanaynaa sida oo kalena aanay marnaba Shacbiga reer Somaliland u dul qaadan karayn Dawlada Wadda. “Iyada oo ay wali arimihii wadanka ka dhacay iyo dhibaatoyinkiiba aanay cidi kawada hadal in maanta inta ay iyaga oo kontan ah ay yidhaahdaan waxaanu doonaynaa in aanu isbeer xaadhano ama juba,baydhaba iyo puntland-ba waa ay nala joogaanee idinka ayuunbaa naga maqan maaha wax ay shacabka ree somaliland ay raali ka noqon karaan dawlada wadaana maaha mid loo dul qaadan karo, Gababadii Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe Waxaa uu sheegay in aanay ka Xisbi ahaan aanay marnaba u dul qaadanayn arimaha Noocan oo kale ah,waxaana uu sheegay in ay ugu baaqayaan Oday dhaqameedadu in ay Wadanka iskaga baxaan“Waxaa kale oo iyana imanaaya dalka sida naloo sheegay fanaanin oo iyana dadka ugu heesi doona wadaniyada iyo midnimada waxaa naloo sheegay in qaar siyaasiyiin ahi ay yurub ka imanayaan waxa weeye waxaa furantay oo meesha ka baxday siyaasadii iyo kala qaybsnaantii inaga iyo dawlada somaliya,waayo waxaa madnuuc ahayd in marnaba aynu iska dhex galno xaga siyaasada markaa hadaanu nahay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI waxaanu gabi ahaanba aanu ka soo horjeedanaa imaanshiyaha ay nimankaasi wadanka yimaadeen.waxaan kale oo aanu ku baaqaynaa in ay si dagdag ah wadanka uga baxaan oo ay ku noqdaan wadankoodii,waxa weeye arimo badan oo ay muhiim tahay in aynu ka wada hadalno inaga oo aan isba soo dhex galin dhaawacyo badan oo aanan wali bogsiin”Ayuu yidhi Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe Wajaale News Related posts:DAAWO; Sheekh Adam Xaaji Maxamuud (Aadan Siiro) Oo ka Hadlay Xaalada Somaliland "Anagu Ma Taageerayn... DAAWO;-Wafti Wasiiro Ah Iyo Taliyayaasha Ciidamada Jsl Oo Kormeer Ku Tagay Deegaanada Jidbaale Iyo B... DAAWO;-Suldaan Ibraahim Jaamac Samater Oo Farta Ku Fiiqay Cidii Ka Danbaysay Celinta Ugaaska Beelaha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|