“Wax Kulana Oo Aanu Yeelanay Cali Khaliif Ma Jiro, Odayaashuna Waxaa Ay U Sheegeen In Uu Deegaanka Ka Baxo”Wasiir Xagla-Toosiye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wax Kulana Oo Aanu Yeelanay Cali Khaliif Ma Jiro, Odayaashuna Waxaa Ay U Sheegeen In Uu Deegaanka Ka Baxo”Wasiir Xagla-Toosiye.
May 17, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland Dr:Saleebaan Ciise Axmed(Xagla-Toosiye) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyada Somaliland ,kadib markii uu mudooyinkii danbe uu socdaal hawlo shaqo ah ku tagay Magaalada Buuhoodle.
 
Wasiirka Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaarada Caafimaadka Somaliland ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu Siyaasi Cali Khaliif Galaydh Iyo Kooxda Khaatumo uu ku eedeeyey in ay yihiin Koox nabad diid ah,waxaana uu carabka ku dhuftay in mudadii uu halkaasi ku sugnaa aannu haba yaraatee wax kulan ah la yeelanin Cali Khaliif Galaydh,Sida oo kalena waxaa uu tibaaxay in odayaasha deegaanku ay Cali Khaliif Galaydh ku war-galiyeen in uu iskaga baxo Magalada.
 
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr:Saleebaan Ciise Axmed(Xagla-toosiye) ayaa ugu horayn waxaa uu u mahad celiyey dhamaanba dadkii kala duwanaa ee ka qayb qaatay soo dhawayntiisa,waxaana uu yidhi”Waxaan si sharaf iyo qadarin leh aan ugu mahad celinayaa intiina ka qayb qaadatay soo dhawayntayda aad iyo aadbaanad u mahadsan tihiin”.
 
Wasiirka oo hadalkiisii sii wata ayaa waxaa uu yidhi”Wax kulana oo aanu yeelanay Cali khaliif haba yaraatee ma jirto Cali Khaliif Iyo kooxdiisu run ahaantii,waxaan u arkaa koox nabad diid ah oo qasbadan ka wada deegamadaasi iyo kuwo kale oo wadanka ka tirsanba,dadwaynaha ku dhaqan Buuhoodlana nasiib wanaag wax faa’ida ah kalamay kulmin ciidan iyo ergo toonina buuhoodle kama tagin,odayaashuna waxaa ay u sheegeen in uu deegaanka ka baxo oo uu ka tago anaguna maanan kulmin”Ayuu ydhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye;Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS