Wasiiro Iyo Madaxdhaqmeed Gaadhay Deegaanka Maygaagle Oo Dhawaan Ay Ka Dhaceen Dilal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiro Iyo Madaxdhaqmeed Gaadhay Deegaanka Maygaagle Oo Dhawaan Ay Ka Dhaceen Dilal
May 16, 2014 - Written by Editor:

hargeisa(Wajaalenews) Saddex Wasiir Oo Kala Ah Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta, Ku-Xigeenka Ganacsiga Iyo Wasiiro Kale Oo Ay Weheliyaan Madax Dhaqameed Ka Soo Jeeda Gobolka Togdheer Ayaa Gaadhay Magaaladda Qorulugud, Halkaas Oo Ay Ka Bilaabeen Wadahadal La Xidhiidha Sidii Loo Dajin Lahaa Xiisada Colaadeed Ee Ka Dhalatay Dil Laba Beelood Ku Dhex Maray Deegaanka Maygaagle Ee Gobolka Buuhoodle. Ergadan Wasiirada Ah Ayaa La Sheegay In Ay La Kulmeen Beesha Qorulugud Waxaanay Ka Dalbadeen In Xiisada La Dajiyo, Waxaanay Ku Hawlan Yihiin Sidii Dhinaca Kale Na Ergo Dhinaca Kale Loogu Diri Lahaa. Wararka Soo Baxaya Ayaa Sheegaya In Xaaladu Degan Tahay, Isla Markaana Aanay Dhicin Wax Iska Hor Imaad Ahi. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade Ayaa La Sheegay Inuu U Kicitimay Dhinaca Burco Si Uu Uga Qayb Qaato Waan Waanta Lagu Dhex Dhexaadinayo Labada Beelood.

 

Wajaalenews.Net

Hargeisa/Office

 

COMMENTS
LINKS