Wasiiro Ay Xukumada Somaliland U Dirtay Daminta Shaqaaqadii Dhawaan Ka Dhacday Deegaanka Maygaagleh Oo Halkaas Gaadhay Maanta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiro Ay Xukumada Somaliland U Dirtay Daminta Shaqaaqadii Dhawaan Ka Dhacday Deegaanka Maygaagleh Oo Halkaas Gaadhay Maanta
May 16, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews)Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta, W/Ku-Xigeenka Ganacsiga Oo Ay Weheliyaan Madax Dhaqameed Ka Soo Jeeda Gobolka Togdheer Ayaa Gaadhay Degmada Qorulugud,

Halkaas Oo Ay Ka Bilaabeen Wadahadal La Xidhiidha Sidii Loo Dejin Lahaa Xiisada Colaadeed Ee Ka Dhalatay Dil Laba Beelood Ku Dhex Maray Deegaanka Maygaagle Ee Gobolka Buuhoodle.

Ergadan Wasiirrada Ah Ayaa La Sheegay Inay La Kulmeen Beesha Qorulugud, Waxaanay Ka Dalbadeen In Xiisadda La Dejiyo, Waxaanay Ku Hawlan Yihiin Sidii Dhinaca Ergo Nabadeed Loogu Diri Lahaa.

Wararka Soo Baxaya Ayaa Sheegaya In Xaaladdu Degan Tahay, Isla Markaana Aanay Dhicin Wax Iska Hor Imaad Ahi, Iyada Oo Galabtana Uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-Cadde Uu U Ambo-Baxay Deegaankaasi Isla Markaana Uu Arrintan Uga Qayb-Qaadan Lahaa

Dhanka Kale Waxaa Isna Dhanka Buuhoodle Ku Hawlan Xalinta Hawshan Wasiirka Caafimaadka Somaliland Ee Dhawaanahanba Ku Sugnaa Deegaanka Buuhoodle Isla Mar Ahaantaana Galabta Soo Gaadhay Magaalada Caynaba Ee Gobolka Saraar

 

Wajaaloenews.Net

Hargeisa/Somaliland

COMMENTS
LINKS